Sign in to follow this  
Deeq A.

Fatashiddii fadeexadda Jeffrey Epstein oo Xaaska Trump lugaha la gashay

Recommended Posts

Deeq A.   

aac2f028-0011-4351-97a7-0d6df7fe3811.pngd

Agaasimaha filim-dukumentari cusub oo ku saabsan Marwada Koowaad ee Maraykanka, Melania Trump, ayaa ka soo muuqday sawirro Jimcihii ay sii daysay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, isaga oo laabta ku haya haweeney da’yar.

Brett Ratner, oo sidoo kale agaasimay filimka Rush Hour iyo X-Men: The Last Stand, ayaa lagu arkayaa isagoo ku fadhiya kuraas fadhi ah meel u dhow ninka lagu eedeynayo xad-gudubayada galmada ee geeriyooday Jeffrey Epstein iyo laba haween ah oo wajiyadooda la qariyay.

Goorta sawirrada la qaaday wali ma cadda, hase yeeshee waxay u muuqdaan in lagu qaaday isla goobtii ay ku jireen sawirro hore oo Ratner iyo Epstein ay la joogaan Jean-Luc Brunel oo ka soo jeeday Faransiiska isla markaana ahaa nin wax xayaysiiya oo isna loo haystay dambiyo la xiriira galmo kaas oo geeriyooday, waxaana sawirradaas la sii daayay bishii Diseembar.

Faylasha ma muujinayaan wax dembi ah ama khalad ah. BBC-du waxay la xiriirtay wakiilka Ratner si ay uga hesho faallo.

Sawirada cusub ee la sii daayay waxay qayb ka ahaayeen malaayiin faylal ah oo la xiriira dambiilihii hore ee galmada, kaasoo ku dhintay xabsiga sannadkii 2019 isagoo sugaya maxkamadeyn ku saabsan dacwado ka dhan ah ka ganacsiga galmada.

Taxane sawirro yaryar ah ayaa muujinaya Ratner, Epstein iyo Brunel iyaga oo dhoolla-caddeynaya isla markaana nasanaya xilli ay la joogaan haween kala duwan, kuwaas oo dhammaantood wajiyadooda la qariyey.

Sharciga sababay in faylashan la sii daayo wuxuu farayaa in la tafatiro la madoobeeyo si loo ilaaliyo dhibbanayaasha, maadama weli baaritaannadu ay socdaan.

inkasta oo qareen matala dad badan oo ka mid ah kuwaan uu sheegay in aqoonsiga tiro badan oo badbaadayaal ah lagu muujiyey sii-dayntan.

Source bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this