Deeq A. Posted Monday at 01:38 PM HAMBALYO GUDDOOMIYE: Aas-aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, saraakiisha, saraakiil ku-xigeennada, ilaa heer dable, meel ay joogaanba iyo qoysaskooda xuska sannad guuradda 32-aad ee 2-da bisha February ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka oo ku beegnayd 02/02/1994kii. Guddoomiyuhu waxa uu ciidammada iyo qoysaskoodaba u rajaynayaa inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan nabadgelyo, barwaaqo iyo horumar, siina xoojiyaan dedaalka iyo adkaynta difaaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkiisaba. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka sakow difaaca dalka waxay door weyn ka qaataan nabadgelyada gudaha, waxaanay caan ku yihiin dhaqan-wanaag, kala dambayn iyo inay waajibkooda u gutaan si nadiif ah. DHAMMAAD. Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites