Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฎ-๐ญ๐š๐ ๐ ๐š ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š (๐”๐€๐„)

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1770042131521-300x200.jpg

FB_IMG_1770042137640-300x200.jpg

FB_IMG_1770042164116-300x200.jpg

FB_IMG_1770042167347-300x197.jpg

FB_IMG_1770042170722-300x223.jpg

FB_IMG_1770042175082-300x267.jpg

FB_IMG_1770042183466-300x300.jpg

FB_IMG_1770042183434-300x240.jpg

FB_IMG_1770042185485-300x300.jpg

FB_IMG_1770042189120-300x240.jpg

FB_IMG_1770042161307-300x300.jpg

FB_IMG_1770042158393-300x200.jpg

FB_IMG_1770042141852-300x200.jpg

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฎ-๐ญ๐š๐ ๐ ๐š ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š (๐”๐€๐„)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga qayb-gali doono Shirka Sannadlaha ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit) oo ka dhacaya magaalada Dubai.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah mid xambaarsan macne diblomaasiyadeed oo muhiim ah, isaga oo ku meteli doona Qaranka Somaliland Madal Caalami ah oo ay ku kulmayaan in ka badan 130 Dawladood oo ka socda Caalamka, Hayโ€™ado Caalami ah iyo madax kale oo saamayn ku leh goโ€™aannada siyaasiga ah ee Dunida.

Madaxweynaha ayaa Madashaasi ka gudbin doona farriin ku saabsan waayo-aragnimada Jamhuuriyadda Somaliland ee xagga Dawlad-dhiska, Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Horumarka, taasi oo xoojin doonta doorka muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

Muddada ay Madaxweynaha iyo weftigiisu ku sugan yihiin dalka Imaaraadka Carabta waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax iyo masuuliyiin caalami ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono iskaashiga horumarineed, maalgashiga, ganacsiga, amniga iyo arrimaha mudnaanta u leh danaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ka-qaybgalka Jamhuuriyadda Somaliland Madashan Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), waxa ay mar kale muujinaysaa danaynta sii kordhaysa iyo kalsoonida ay Bulshada Caalamku ku qabto Jamhuuriyadda Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this