Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Xayiraadda ay DF saartay shirkadda Arkia iyo duulimaadkii ka caraysiiyey

Recommended Posts

Deeq A.   
Arkia-Airlines.webp?fit=2048%2C1365&ssl=

Tel Aviv (Caasimada Online) — Warbixinno cusub oo uu daabacay wargeyska Israa’iil ee Haaretz ayaa daaha ka rogay tafaasiil ku saabsan sababta dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga mamnuucday shirkadda diyaaradaha ee Arkia inay isticmaasho hawada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ku qasbtay shirkadda Arkia inay beddesho khadka duulimaadyadeeda ay ku tagto dalka Thailand, iyadoo hadda kadib mari doonta waddo ka duwan tii hore.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa lala xiriirinayaa xiisadda dibloomaasiyadeed ee ka dhalatay safar uu bishii hore Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ku tagay Somaliland.

Wasiirka ayaa safarkaas ku raacay diyaarad ay leedahay shirkadda Arkia, waxaana safarkaasi yimid toddobaadyo un kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo aqoonsada Somaliland. Dowladda Soomaaliya oo Somaliland u aqoonsan gobol ka mid ah dhulkeeda ayaa si adag uga hortimid tallaabooyinkaas.

Isbeddelka dhanka hawada awgiis, Arkia waxay sheegtay inay hadda isticmaali doonto marinka waqooyi (northern route), iyadoo dul mari doonta dalalka Aasiyada Dhexe ka hor inta aysan u leexan dhanka koonfureed ee Thailand. Wareeggan cusub ayaa la filayaa inuu waqtiga duulimaadka ku kordhiyo hal saac oo dheeraad ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda Arkia ayaa lagu xaqiijiyay in inkastoo hawada Soomaaliya laga xiray, haddana aysan hakad gelin doonin jadwalka duulimaadyadooda Bangkok.

“Arrintan waxaa hadda gacanta ku haya kanaalada rasmiga ah ee dowladda Israa’iil, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Duulista Rayidka, kuwaas oo kala shaqeynaya hay’adaha ay khuseyso sidii loo xalin lahaa,” ayaa lagu yiri bayaanka shirkadda. Waxay intaas ku dareen in inta xal laga gaarayo, ay sii wadayaan isticmaalka marinka waqooyi.

Dhinaca kale, Wasaaradda Gaadiidka Israa’iil ayaa toddobaadkii hore sheegtay in sababta loo diiday Arkia aysan caddayn, iyadoo ku tilmaamtay tallaabada Soomaaliya mid baal-marsan heshiiska caalamiga ah ee duulista hawada (ICAO Convention), maadaama Soomaaliya ay saxiixday heshiiskaas balse aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku aaddan diidmada.

Waxaa xusid mudan in Arkia ay toddobaadkii hal duulimaad ku tagto Bangkok, balse shirkadda ugu weyn dalkaasi ee El Al, oo toddobaadkii 16 duulimaad ku tagta Thailand, ay weli si caadi ah u isticmaalayso hawada Soomaaliya.

The post Xog cusub: Xayiraadda ay DF saartay shirkadda Arkia iyo duulimaadkii ka caraysiiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this