Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ciidamada Eritrea waxa ay billiliqaysteen hantidii taallay Tigray..” Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo maanta ka hor hadlay Baarlaamanka dalka Ethiopia ayaa markii koowaad si cad u sheegay xilliga uu bilaabmay khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Eriteriya.

Abiy Axmed waxa uu sheegay in is maan dhaafka labada dhinac aanu iman markii Ethiopia bannaanka keentay qorshaha ay ku doonayso in ay hesho marin badeeed, balse uu soo taxnaa tan iyo sannadkii 2021-kii gaar ahaanna markii uu socday dagaalkii lagu riiqmay ee ka dhacay Waqooyiga Ethiopia.

Raysal wasaaraha Ethiopia waxa uu xusay in ciidanka ii Eritrea bililaysteen oo ay boobeen isla markaana ay qaateen hantidii gobolka Tigree iyaga oo sidoo kale geystay xasuuq aad u daran oo ka dhan ah bulshada qoomiyadda Tigrey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this