Deeq A. Posted 2 hours ago Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo gabagabeeyey tababar loo qabtay maamulayaasha laamaha Baanka iyo Aagaasimeyaasha, kaasi oo ku saabsanaa dhinacyada hawlgalka iyo adeegsiga (ficilka) ee Bangiyada iyo Maaliyadda Islaamiga ah. Tababarkan ayaa waxa iska kaashaday Baanka dhexe iyo Shirkada Al-Huda Center of Islamic Banking and Economics, waxaana kor loogu qaaday dhinaca khibrada iyo aqoonta maamulka Bangiyada Islaamiga ah. Tababarkan oo soconaayey muddo sadex maalmood ah, ayaa waxa hagaayey isla markaana Aqoontiisa uga faa’iideeyey Muhamed Zubair Maamulaha guud ee shirkada Al-Hudda. Tababarkan ayaa waxa si rasmi ah u soo xidhay Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo gudoomiye ku xigeenka Baanka Xamse Cabdiraxmaan Khayre, waxaanay kula dardaarmeen xubnihii tababarka qaatay inay uga faa’iideen Aqoonta iyo khibrada Islamic Banking ee halkan ay ku barteen shaqaalaha Bangiga Dhexe ee Somaliland. Tababarkan ayaa waxa uu cilmi baadhis ku sameeyey hannaanka Bangiyada Islaamiga ah, sidoo kalena waxa uu kor u qaadaya aqoonta iyo xirfada hawl-wadeenada Bangiga dhexe ee dhinaca Bangiyada Islamiga ah. Gabagabadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey xubnihii tababarka qaatay. Source Share this post Link to post Share on other sites