Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan ay markale yeesheen baarlamaanka federaalka oo ku soo dhammaaday buuq iyo gacan-qaad

Recommended Posts

Deeq A.   
1000129296.jpg

Kulan ay maanta markale yeesheen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la damacsanaa in looga doodo wax ka beddelka qodobo ka mid ah dastuurka ayaa ku soo dhammaaday guuldarro kaddib markii uu harreeyay buuq iyo gacan-qaad horseeday in kulanka la soo afjaro.

Gacan-qaadka ka dhacay kulanka maanta waxaa ku dhaawacmay xildhibaan Cadar Xareed oo la dhigay isbitaal markii dhaawac ka soo gaaray lug, waxayna sheegtay in dhaawaca uu u geystay askari ka tirsan ciidamo boolis ah oo soo galay hoolka baarlamaanka.

1000129311-1440x960.jpg

Waa kulankii labaad oo oo xiriir ah oo baarlamaanka labada aqal ee federaalka yeeshaan oo ku dhammaada buuq iyo gacan-qaad, kii hore wuxuu dhacay 28 bishii hore ee Jannaayo.

Xildhibaanada mucaaradka ah oo ku doodayay in qorshaha wax ka baddelka dastuurka uusan marin wadatashi iyo habraac sharci ayaa diiday ajandaha labada kulan, halka xildhibaanada muxaafidka ah rabeen in wax ka baddel lagu sameeyo cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee madaxweynahu wuxuu dardargeliyay sii wadida qodobkaas.

Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta waxay wax ka baddelka dastuurka ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo gogosha ay aqbaleen ee Muqdisho.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this