Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo Walaac ka Muujiyay Dibucelinta Diyaaradihii ka Socday Buntilaan iyo Jubbalaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac iyo niyadjab ku aaddan fashilka ku yimid imaatinka wafdiyada horudhaca u ahaa maamullada Buntilaan iyo Jubbalaan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo maanta la filayay inay ka qeybgalaan wadahadallo siyaasadeed oo muhiim ah.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu aad uga xun yahay in wafdiyadaasi aysan suurtagelin inay soo gaaraan caasimadda.

Waxay xustay in inkastoo ay jiraan isfahan-la’aan iyo khilaafyo jira, haddana ay muhiim tahay in dhinacyada oo dhan ay helaan xal u sahla wadahadallo miradhal ah.

“Midowga Yurub wuxuu rejaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa hannaan lagu fududeeyo wadahadalkan muhiimka ah, loona abuuri lahaa jawi ku habboon doodaha masiiriga ah ee horseedaya geeddisocodka doorashooyinka,” ayay tiri Danjire Di Mauro.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dibucelisay diyaarado siday wafdiyada horudhaca u ahaa Buntilaan iyo Jubbalaan, kuwaas oo ay ku jireen ciidamo amniga wafdiga sugayay.

Dawladda Federaalka ah, gaar ahaan Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadeen ka dib markii xubno ka tirsan waxa ay ku tilmaameen “Golaha Mustaqbalka Soomaaliya” ay iskudayeen inay hub ku soo qaadaan diyaarad, taasoo ay Wasaaraddu ku sheegtay xadgudub ka dhan ah nidaamka amniga Garoonka Aadan-Cadde.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this