Deeq A. Posted Saturday at 02:41 PM Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta galinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kaddib safar muddo qaatay oo ugu maqnaa dalalka Imaaraadka, Kenya iyo Itoobiya. Madaxweyne Deni kama uusan ka hadlin safarka uu kaga yimid dalka badadiisa, wuxuuna la mid ah safarro badan oo aan wax faahfaahin ah laga bixin oo madaxweynaha Puntland muddooyinkii u dambeeyay ku tagay dalalkaas. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Muqdisho oo uu ka furmi doono shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta. Berri oo axad ah ayaa la filayaa in wafdi hor dhac u ah safarka madaxweynaha Puntland iyo ciidamo gaar ah ay gaaraan magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites