Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo ciidamo u diray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000128654-1440x960.jpg

Ciidamo aad hubaysan oo ka mid ah ilaalada madaxweynaha Puntland ayaa goordhaweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, kuwaas oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

Ilaalada madaxweyne Deni oo kor u dhaafaya kontomeeyo askari ayaa qaar kamid ah waxay ku hubaysanaayeen qoryaha darandooriga u dhaca, waxay kaloo garbaha ku siteen santuuqyo rasaas kayd ah.

Maahan markii ugu horreysay oo madaxweyne Deni ciidamo aad u hubaysan uu la aado Muqdisho, sanadkii 2021 ayuu sidaan oo kale ciidamo aad u hubaysan ka dejisay Muqdisho, markaas oo uu taagnaa khilaafkii doorashada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi waxaa lagu wadaa in uu maalinta beri ah gaaro magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga qaybgalayo shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this