Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo baaq u diray jaaliyadaha Puntland ee ku nool qurbaha

Recommended Posts

Deeq A.   
1000128712-1440x1080.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garowe ka daah-furay biyo-dhaan ay dowaladdu ugu talagashay dadka ay abaartu saamaysay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda ay guddiga abaaraha Puntland ku wareejisay biyo-dhaan loogu talagalay dhammaan gobollada, kaas oo maanta bilaabanaya.

Jaaliyadaha Puntland ee ku nool qurbaha iyo dadka gudaha jooga ee wax haysta ayuu madaxweyne Deni ugu baaqay in ay ka qaybqaataan gurmadka dadka abaartu saameysay.

Dhammaan gobolada Puntland waxaa ka jirta biyo la’aan xoog leh oo ay keentay abaarta, kadib markii ay baaqdeen roobabkii la filayay xiiliyadii dayrta iyo guga ee sanadkii hore, waxaana la tilaamay in ay gureen baraagihii iyo ceelashii abaarta awgeed.

Waxaana laga soo dayrinayaa nolosha dadka reer guuraaga ah oo ay soo wajahday cunto la,aan iyo biyo la,aan, iyada oo ay magaalooyinka ku soo xeroodeen qoysas ka badan boqolaal, kuwaas oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta ka jirta Puntland.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this