Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida halkaas oo uu si rasmi ah loogu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgalaya kulamo heer sare ah oo looga hadlayo iskaashiga siyaasadeed, amni, iyo horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Djibouti.

Mas’uuliyiintan iyo xubno kale ayaa lagu casuumay ka qaybgalka xafladda xarig jarka mashruuca dalxiiska Shabeelleey, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Kulamadan ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga yeesho mashaariic horumarineed, ganacsi, iyo isu socodka dadka iyo badeecadaha ee gobolka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this