Deeq A. Posted 19 hours ago Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa beenisay in la joojiyay Baasaboorka Soomaaliga ee lagu dalbado Fiisaheeda, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar la xiriira in la hakiyay Baasaboorka Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in aanu jirin go’aan kasoo baxay dowladda oo lagu joojiyay Baasaboorka Soomaalig ah oo dadka Soomaaliyeed ku tegaan dalkaasi. Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in xittaa aan lagu soo wargelin wax isbadal ah oo ku yimid socdaalka Soomaaliya iyo Masar oo haatan ah labada dal oo saaxibo ah, isla markaana wadaaga iskaashi dhinacyo kala duwan leh. “EgyptAir waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in aysan jirin wax Baasaaboorka Soomaaliga ah oo la joojiyay ama la hakiyay” ayaa lagu yiri bayaanka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dhammaan rakaabka u safraya Cairo (CAI) ee wata OKTB, isla markaana haysta Baasaaboorka Soomaaliga, waa la aqbalayaa si caadi ah, mana jiro wax isbeddel ah waqtigan”. Shirkadda ayaa ugu dambeyn xustay haddii uu jiro isbeddal cusub in ay si rasmi ah ula wadaagi doonto dadka Soomaaliyeed, si ay ula socdaan xaaladda. “Haddii ay jiraan wax isbeddel ah ama macluumaad cusub, EgyptAir waxay si rasmi ah ugu soo gudbin doontaa kanaalladeeda warbaahineed ee rasmiga ah. Mahadsanidiin kalsoonida aad siisaan EgyptAir” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda beenisay warkan, iyada oo Hay’adda Socdaalka ay dadka Soomaaliyeed la wadaagtay faafinta de-degga ah ee Masar. The post Maxaa ka jira in Masar ay joojisay baasaboorka Somalia? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites