Deeq A. Posted 17 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeesay Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Wang Yu, kaas oo ku booqday xafiiskiisa. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya waddamada Soomaaliya iyo Shiinaha. Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo danaha guud ee ay wadaagaan labada dowladood, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya ku jirto marxaladda muhiimka u ah dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha. Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda dalka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, isaga oo ballan qaaday in ay sii xoojinayso taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga, maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah iyo garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka muuqda ee Shiinaha ee ku aaddan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadanimo. Shiinaha ayaa horay garab istaag buuxa ugu muujiyay Soomaaliya, isaga oo si kulul u cambaareeyay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo kicisay mowjado diidmo iyo dhaleeceyn ah oo ka yimid dalalka gobolka iyo beesha caalamka. Dhinaca kale, Shiinaha, oo dano ballaaran ka leh Geeska Afrika, ayaa muddo dheer diidanaa in Somaliland la aqoonsado. Mowqifkaas ayaa sii adkaaday kaddib markii Hargeysa ay xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay Taiwan, gaar ahaan tan iyo markii labada dhinac ay xafiisyo wakiillo ka fureen Hargeysa iyo Taipei sannadkii 2020. Beijing waxay Taiwan u aragtaa gobol ka mid ah dhulkeeda, umana aqoonsana dowlad madax-bannaan, iyadoo aan meesha ka saarin in xoog lagu soo celiyo haddii ay u aragto in loo baahdo. The post Shiinaha oo ballan qaa culus u sameeyay Somalia + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites