Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Odawaa oo xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
1000127151-1440x959.jpg

Golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah kulan ay yeesheen xilkii kaga qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Gen. Odayaa waxaa lagu baddelay Col. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa hoggaanka ciidanka, gaar ahaan hoggaanka taageerada guud.

1000127153-1.jpgCol. Ibraahim Maxamed Maxamuud

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in magacaabista taliyaha cusub ay ku timid soo jeedin ka timid wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu xusay in taliyaha cusub uu leeyahay khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda.

Taliyaha xilka laga qaaday ee Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya loo magacaabay labo jeer, kuwaas oo kala ahaa 2019 iyo 2024.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this