Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo beeniyay in ay dad biyo la’aan ugu dhinteen Jariiban

Recommended Posts

Deeq A.   
1000127642.jpg

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Puntland Maxamed Cabdiqaadir ayaa beeniyay warkii guddoomiyaha gobolka Mudug ee ahaa in 7 qof biyo la’aan ugu dhimatay deegaanno ka tirsan degmada Jariiban.

Maareeye Maxamed Cabdiqaadir wuxuu sheegay in aysan jirin cid biyo la’aan ugu dhimatay deegaanno ka tirsan degmada Jariiban, islamarkaana wuxuu been abuur aan sal iyo raad la hayn ku tilmaamay warka ka soo yeedhay guddoomiyaha gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade ayaa arbacadii shir uu ku qabtay Gaalkacyo ka sheegay in 7 qof oo carruur u badan ay biyo la’aan ugu dhintay deegaanno ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Puntland Post si madax bannaan uma xaqiijin karto wararka iska soo horjeeda ee labada mas’uul, isku dayo aan ku doonaynay in aan ku xaqiijino arrintana weli ma guuleysan.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this