Sign in to follow this  
Deeq A.

Lugatoor: “Xasan inta u hartay wuxuu ka shaqaynayaa in uu burburiyo Puntland”

Recommended Posts

Deeq A.   
1000127789-1440x960.jpg

Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in mudda u harsan uu ka shaqaynayo burburinta dowladnimada Puntland.

Madaxweyne Lugatoor oo shalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garowe ayaa yiri “110 habeen ka yar ayaa Xasan u hartay, intaas wuxuu ka shaqaynayaa in uu tan (Puntland) burburiyo”.

Hadal madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu soo aaday, xilli magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ay dhawaan soo gaareen siyaasiyiin hubaysan oo gacan saar la leh dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lacag ka timid dowladda federaalka aya shalay soo gaartay Puntland, taas oo ay qaateen ciidamo ku sugan dhowr magaalo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo markii hore ka tirsanaa ciidamada Puntland, basle hadda federaalka ku biiray.

Puntland waxay dhawaan shaaciyay tirada ciidamada ay mushaarka siiso dowladda federaalka ee ku sugan deegaannadeeda, iyada oo ku sheegtay 1,376 askari oo loogu talagay in lagu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka Puntland, sida uu yiri la-taliyaha arrimaha amniga ee madaxweynaha, Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this