Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Digniin Sharci ah ka Soo saartay Burburin ka Socota Dhulka Jaamacadda ee Degmada Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay si adag ugu canbaaraynayso falal burburin ah oo si sharcidarro ah uga socda dhulka ay Jaamacaddu ku leedahay degmada Hodan, magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Jaamacadda ayaa lagu sheegay in hay’adaha ay khusayso iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed lagu wargelinayo in dhulkaas uu si buuxda u yahay hanti sharci ah oo ay leedahay JUS, isla markaana uu ku jiro ilaalinta sharciga, sida ku cad go’aanka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Digniinta Sharci ee lambarkeedu yahay XGG/019/2026 (11/01/2026).

Jaamacaddu waxay tilmaantay in falalka burburinta ee ka socda dhulkaas ay yihiin kuwo si cad uga hor imaanaya sharciga, isla markaasna aan la aqbali karin, maadaama dhulkaasi uu yahay mid loo qorsheeyay adeegyada ardayda iyo degaanka Guddoomiyaha Jaamacadda, kana mid ah kaabayaasha muhiimka u ah horumarka waxbarashada dalka.

Maamulka JUS ayaa sheegay in uu qaaday dhammaan tallaabooyinka sharci ee ku habboon si loo ilaaliyo xuquuqda milkiyadeed ee jaamacadda, isla markaana cid kasta oo ku lug yeelata burburinta ama ku xadgudubta dhulka jaamacadda lala tiigsan doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.

Ugu danbayn, JUS ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo sharcidarro ah, isla markaasna ay la shaqeeyaan hay’adaha ku shaqada leh, si loo ilaaliyo hantida guud iyo tan waxbarasho ee ummadda Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this