Sign in to follow this  
Deeq A.

Milicso Guulihii ay Soomaaliya Gaartay Muddadii ay Haysay Shirguddoonka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Bishan Janaayo ee sii dhammaanaysa waxay Soomaaliya u ahayd taariikh cusub oo dhinaca diblomaasiyadda ah, ka dib markii ay si rasmi ah u qabatay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ah markii ugu horraysay in ka badan nus qarni ay Soomaaliya gaarto jagadan muhiimka ah.

Guddoominta Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah, iyadoo dunidu wajahaysay khilaafaad siyaasadeed, colaado hubaysan iyo caqabado amni oo sii kordhaya.

Intii ay haysay guddoominta, Soomaaliya waxay xoogga saartay xoojinta sharciga caalamiga ah, ilaalinta nabadda, iyo koruqaadidda wadahadalka si looga hortago khilaafaad hor leh oo dunida ka curta.

Golaha Ammaanka ayaa bishan yeeshay shirarro dhowr ah oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dood heer sare ah oo lagu falanqeeyay kaalinta sharciga caalamiga ah ee sugidda nabadda iyo amniga dunida, iyo shirar kale oo diiradda lagu saaray xaaladaha amni ee Bariga Dhexe iyo dalal ay colaado ka jiraan, kuwaas oo ay qeyb ka ahayd tillaabadii uu Mareykanku ka qaaday Venezuela.

Soomaaliya, iyadoo guddoomiye ah, waxay kaalin muuqata ka qaadatay hagidda doodahaas iyo hubinta in ajendayaasha la isla oggolyahay lagu socdo, taas oo si weyn loogu ammaanay diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Golaha Ammaanka.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo ladagaallanka kooxaha argaggixisada, Goluhu wuxuu mar kale muujiyay taageerada uu u hayo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo sii waday go’aannadii la xiriiray cunaqabateynta al-Shabaab iyo kormeerka amniga.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa ansixiyay sii wadidda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), taas oo muhiim u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, isla markaasna taageero u ah ciidamada ammaanka Soomaaliyeed inta lagu jiro marxaladda kalaguurka amni.

Guddoominta Soomaaliya waxay, sidoo kale, muujisay hab hoggaamineed ku salaysan diblomaasiyad, wadashaqayn iyo ilaalinta madaxbannaanida qaranka.

Soomaaliya waxay si cad u adkaysay mowqifkeeda ku aaddan midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida dalka, iyadoo Golaha Ammaanka u adeegsatay madal ay ku difaacdo danaha qaranka.

Guud ahaan, bishan Janaayo waxay ahayd mid muujisay in Soomaaliya ay si tartiib ah ugu soo laabanayso masraxa siyaasadda caalamiga ah, islamarkaana ay awood u yeelatay inay hoggaamin iyo aragti ku darto doodaha la xiriira nabadda iyo amniga adduunka.

Guddoominta Golaha Ammaanka ayaa noqotay fursad ay Soomaaliya ku xoojisay sumcaddeeda dibadda, kuna muujisay in ay diyaar u tahay mas’uuliyad caalami ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this