Sign in to follow this  
Deeq A.

66 Sano: 25 Taliyayaal iyo Cabaqadaha Horyaalla Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (1960–2026)

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya waa hay’adda ugu muhiimsan ee ilaalisa ammaanka dalka, gaar ahaan dhulka.

Qeybta Militariga waa lafdhabarta ciidanka, iyadoo mas’uul ka ah difaaca qaranka, sugidda xuduudaha, iyo ka-hortagga khataraha gudaha iyo dibedda.

Tan iyo markii Soomaaliya ay xorriyaddeeda qaadatay sanadkii 1960, ciidanka militariga ayaa soo maray taliyayaal oo 25 ah (1960–2026), kuwaas oo mid waliba door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta iyo ilaalinta awoodda ciidan ee dalka.

Muddada 66 sano ee la soo dhaafay, taliyayaashu waxay waajahen caqabado badan oo siyaasadeed, amni, iyo tababar, iyadoo ciidanka uu mar mar la kulmay isbeddellada xukuumadaha iyo xaaladaha dagaal.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu lahaa saddex talis oo kala ah:

  1. Cirka
  2. Badda
  3. Difaaca cirka

Ma jirin talis ciidan oo dhul, maxaa yelay saddexdaas laamood inta ka soo harta oo 85% ah ayaa dhul ahaa, waxayna ay u qeybsamayeen:

Qeybta 26aad
Qeybta 21aad
Qeybta 60aad

—iyo labo saldhig oo qeybo u dhigma balse hadda ciidanka ugu badan waa Taliska Ciidanka Dhulka.

Taliyayaashii soo maray taliska Ciidanka ayaa kala:

  1. Sarreeye Guuto Daa’uud Cabdulle Xirsi. 1960-1965
  2. Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. 1965-1969
  3. Sareeeye Guud Maxamed Cali Samatar. 1969-1981
  4. Sarreeye Gaas Cumar Xaaji Maxamed Masalle. 1981-1982
  5. Sarreeye Guuto Aadan Cabdullaahi Nuur (Aadan-Gabyow).
    1987-1988.
  6. Sarreeye Gaas Maslax Maxamed Siyaad. 1988-1990
  7. Sarreeye Gaas Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan). 1990-1991
  8. Sarreeye Gaas Ismaaciil Qaasin Naaji. 2000-2003
  9. Sarreeye Gaas Cabdi Axmed Guuleed. 2002-2003
  10. Sarreeye Gaas Cabdullaahi Cali Cumar (Ina libaax sankataabte). 2003-2004
  11. Sarreeye Gaas Saalax Xasan Jaamac (Saalax Liif). 2004-2005
  12. Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere). 2007-2008
  13. Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal. 2008_2009
  14. Sarreeye Gaas Maxamed Geelle Kaahiye. 2009-2010
  15. Sarreeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi (Ahmed Cirfiid). 2010-2011
  16. Sarreeye Gaas Cabduqaadir Sheekh Diini. 2012-2013
  17. Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe). 2013-2015
  18. S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed (Buud). 2015-2016
  19. Sarreeye Guuto Axmed Jimcale Geeddi (Ahmed Cirfiid). 2017
  20. Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod). 2017-2018
  21. Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe). 2018-2019
  22. Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. 2019-2023
  23. Sarreeye Guuto Ibraahin Sheekh Muxiyidiin. 2023-2024
  24. Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. 2024-2026.
  25. Sarreeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud. 2026 – maanta ayaa la magacaabay oo ah January 29, 2026.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this