Sign in to follow this  
Deeq A.

QATARTA ABAARTA IYO QABYAALADAYNTA GARGAARKA: XAALADDA ABAARAHA SOOMAALIYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya waxay xilligan wajahaysaa mid ka mid ah xaaladaha bini’aadanimo ee ugu adag taariikhda casriga ah. Isbeddelka cimilada iyo roobabka oo yaraaday ayaa sababay in abaaro soo noqnoqda ay aafeeyaan nolosha malaayiin qof oo xooladhaqato iyo beeraley ah.

Sida ay sheegtay Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), malaayiin Soomaali ah ayaa u baahan gargaar degdeg ah, iyadoo abaartu ay si gaar ah u saamaysay gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyibari ee dalka. Warbixinnada Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa iyaguna digiin ka bixiyay in haddii aan gurmad degdeg ah la helin, ay xaaladdu isu beddeli karto macaluul, gaar ahaan deegaannada fogfog ee adeegyada dawladliga ah aysan si fiican u gaarin. Inkastoo hay’adaha dawldiga ah iyo kuwa caalamiga ah ay wadaan dadaallo, haddana baaxadda baahida ayaa ka weyn intii la filan karay, taas oo qeyladhaanta gaarsiisay heer qaran.

Wacyiga Bulshada ee Gargaarka: Iskutashi iyo Istaakulayn

Muddo saddex tobanguuro ku siman, Soomaaliya waxay hay’adaha shisheeye u ahayd goob ay ku tijaabiyaan mashaariicdooda, kuwaas oo nidaamkooda shaqo uu ku dhisan yahay maaraynta dhibaatada (Crisis Management) halkii xal waara (Sustainable Solution) la gaari lahaa. Waxaa la yaab leh in marka hay’ad shisheeye ay ceel qoddo lagu tilmaamo horumar, balse marka muwaadin Soomaaliyeed uu isla shaqadaas ka qabto Garoowe ama Baydhabo, lagu shaabadeeyo “siyaasad.”

Waa in si adag loo diidaa aragtida gurracan ee ah in gargaarka gudaha ka yimaadaa uu yahay mid siyaasadaysan ama qabyaaladaysan, taas oo salka ku haysa dhaxalkii gumaysiga ee ahaa “qeybi oo xukun” (divide and rule). Marka dhallinyaro ka timid koonfurta ama bari ay biyo gaarsiiyaan waqooyiga ama galbeedka dalka, sax ma aha in loo arko “siyaasad” ee waa midnimo Soomaaliyeed (Pan-Somali Solidarity) oo ka gudubtay caqabadaha siyaasadda iyo deeqbixiyayaasha shisheeye. Iskufilnaanshaha dhabta ah kuma imaanayo kutiirsanaanta deeqaha shisheeyaha, balse waxa uu ku imaanayaa marka bulshadu garowsato oo go’aansato “iskutashi iyo istaakulayn”, iyadoo la rumaysan yahay in gacan shisheeye ay fog tahay, gacmo wadajir ahna ay wax ku gooyaan.

Kayska Dhalinyarada Puntland: Xaqiiqada Oonka iyo Doodda Baraha Bulshada

Socdaal dhowaan ay koox dhallinyaro ah, oo saamayn ku leh baraha bulshada (Influencers), ku tageen degaanno ka tirsan dawladgoboleedka Buntilaan ayaa dhaliyay hadalhayn ballaaran iyo dood xooggan. Socdaalkan, oo markii hore daarranaa dalxiis iyo soo-bandhigidda bilicda dalka, ayaa isu beddelay olole bini’aadanimo ka dib markii dhallinyaradu ay indhahooda ku arkeen saamaynta ba’an ee abaarta, taas oo ku kalliftay inay si isxilqaan ah biyadhaamin ugu sameeyaan dadka degaanka. Tallaabadan, inkastoo ay u muuqatay mid waddaniyad iyo damiir bini’aadanimo ku dhisnayd, waxay la kulantay falcelin taban. Qeybo ka mid ah dhallinyarada ka soo jeeda degaannadaas ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid la “siyaasadeeyay” ama loo adeegsaday in lagu “dhaawaco sumcadda degaanka.” Hasayeeshee, xaqiiqada jirta ayaa ah in masiibooyinka dabiiciga ah, sida abaarta, aysan aqoon qabiil ama xuduud goboleed. Qofka harraadan ma weydiiyo haybta ama ujeedka qofka biyaha u sida; wuxuu kaliya raadinayaa badbaado nafeed iyo biyo uu harraadka kaga baxo.

Waxaase xusid mudan in doodaha kulul ee ka socda baraha bulshada aysan wax macno ah ugu fadhin qoysaska xooladhaqatada ah ee noloshoodu halista ku jirto. Muwaadinka miyiga ku nool ma ahan mid akhriya faallooyinka (comments) lagu dhaliilayo gurmadka loo fidiyay. Sharafkiisu kuma xirna in sawirkiisa la qariyo iyadoo aan loo gurman, balse waxay ku xiran tahay inuu helo biyo uu ku noolaado. Sidaas darteed, eedaymaha loo jeedinayo dhallinyarada dalxiiska u tegay ee haddana gurmadka sameeyay, waa kuwo ka fog xaqiiqada qaraar ee ka jirta dhulka miyiga ah.

Gabagabo iyo Talasoojeedin

Si looga gudbo caqabadan, laguna gaaro iskufilnaansho dhab ah, waa in la qaataa tallaabooyin wax ku ool ah:

  1. Kalasaarista Siyaasadda iyo Gargaarka: Waa in la fahmo in qabyaaladaynta gargaarku aysan ahayn hal weji; waxay leedahay heerar kala duwan oo isugu jira mid Federaal ah, mid ganacsi, iyo mid degaan. Waa in la kala saaraa danahaas isdiidan iyo gurmadka bini’aadannimo, si dhab ahaa loogu gurmado dadka tabaalaysan, loogana hortago in dano gaar ah ay hor-istaagaan badbaadinta nolosha.
  2. Dhiirrigelinta Dhallinyarada: Dawladda Federaalka ah iyo dawladgoboleedyadu waa inay bogaadiyaan dhallinyarada, halkii caqabad loogu noqon lahaa. Waa in la abuuro nidaam fududeeya isusocodka bulshada, si loo dardargeliyo joogtaynta gargaarka gudaha.
  3. Beddelka Aragtida Bulshada: Waa inaan joojinnaa inaan shisheeyaha ka aaminno walaalkeen. Haddii ajnabigu sawiri karo dhibaatada si uu dhaqaale ugu raadiyo, muwaadinka Soomaaliyeedna xaq ayuu u leeyahay inuu soo bandhigo xaqiiqada si uu xal ugu raadiyo.

Ugu danbayntii, waddada kaliya ee Soomaaliya ay kaga bixi karto kutiirsanaanta shisheeye waa in la xoojiyo iskutashiga gudaha, lagana hortago in qabyaaladdu ay sumayso biyaha loo sido dadka oomman.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this