Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii golaha wasiirrada ee Somaliland iyo wixii lagaga hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Fadhigii 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhiga 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL, ka sokow Qaraarkacay soo saareen ee la xidhiidha Arrimaha Ictiraafka,
qodobbada kale ee maanta lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:

𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay dhan kastba.

Wasiirku waxa uu ka war bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in ictiraafka Israa’iil uu mideeyey yuhuunta iyo wadajirka ummadda Somaliland gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib.

Wasiirku waxa uu xusay in Cadowga Somaliland uu kordhay sidaa darteedna loo baahan yahay xoojinta amniga gudaha iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Dawladda iyo shacabka, isaga oo ugu baaqay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in ay si mideysan uga hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida Qaranka JSL.

𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in korodhka dakhliga bisha January, 2026-ka uu u socdo sidii loogu talo galay, taas oo muujinaysa horumar dhanka maaliyadda ah. Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in Wasaaraddu midaysay buugga lacag-qabashada dhammaan hay’adaha Xukuumadda, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed.

Intaa waxaa dheer, wasaaraddu waxay tababarro iyo aqoon-korodhsi xisaabaad u furtay qaar ka mid ah shaqaalaha, kuwaas oo uu bixinayo Machadka Culuunta Xisaabaadka Qaranka. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in iyaga oo kaashanaya Shirkadda DP World ay ballaadhinayaan adeegga ay bixiso Dekadda Berbera, si loo dhiirri-geliyo koboca dhaqaalaha Qaranka JSL.

𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐂𝐮𝐥𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL waxa uu Golaha u sheegay in Culimada reer Somaliland ay u midaysan yihiin difaaca Qarannimada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadanayaan difaaca iyo dhiirrigelinta ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu xusay in Culimada Somaliland ay si joogto ah u qabtaan Muxaadarooyin iyo Wacyigelin ay bulshada ku baraarujinayaan qiimaha Qarannimada, Midnimada, Amniga iyo ilaalinta arrimaha masiiriga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

𝟒. 𝐐𝐚𝐚𝐛-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐥-𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

Wasiirku waxa ay sheegtay in Wasaaraddu ay Qorshe ay ku samaysanyso qaab-dhismeedka Horumarinta Gobollada (Regional development Framework) iyo Qorshaha hawl-galka Horumarinta Sannadlaha ee Qaranka (Country Annual Operational Development Plan). Wasiirku waxa ay sheegtay in ujeeddada guud ee Qorshaha (Regional Development Framework) uu yahay samaynta, hirgelinta iyo hubinta horumar isku dheellitiran oo Gobollada ah, iyada oo la isku xidhayo Qorshayaasha heer Degmo, Gobol, iyo qarQan, isla markaana bulshada laga qaybgelinayo xiliga la qorshaynayo arrimaha mudnaanta u leh noloshooda.

Wasiirku waxa ay sharraxday faa’iidooyinka muhiimka ah ee uu Qorshahani xambaarsan yahay, sida:

* Helidda Baahiyaha Gobollada,
* Isku-xidhnaanta Qorshayaasha Qaranka,
* Soo Jiidashada Maalgashiga,
* Hagidda Wasaaradaha, Qaadhaan bixiyayaasha iyo Private sectors-ka

𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr Xuseen Bashiir Xirsi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay in hawlaha Wasaaraddu ay si habsami leh u socdaan, isla markaana adeegyada Caafimaad ee Qaranku ay shaqaynayaan intii suurtagal ah. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka hadlay xannuunka xummadda ee dalka ka dillaacay Gobollada Dalka qaarkood, isaga oo sheegay in Wasaaraddu ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo ka hortag, daaweyn iyo wacyigelinba leh, si loola tacaalo xanuunkan xummadda ah, dhakhaatiir iyo daawooyina ay ku xoojisay.

Intaa waxaa dheer, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa uu bulshada siiyo adeegyo caafimaad oo wacan, isaga oo ka shaqaynaya baahiyaha caafimaad ee dadweynaha intii awooddiisa ah.

𝟔. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaraddu ay ku guulaysatay qaban-qaabada iyo qabashada Shirweynaha 8-aad ee Dib-u-eegista Qorshaha Waxbarashada Qaranka JSL (Joint Review of the Education Sector-JRES) iyo qiimaynta Mashruuca Waxbarasho ee GPE (Global Partnership for Education).

Wasiirku waxa uu sheegay in Shirweynaha 8-aad ee Dib-u-eegista Qorshaha Waxbarashada lagu lafa-guray guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaadhay hirgelinta Qorshaha Istiraatijiyadda Waxbarashada ee 2026-ka, iyo sidoo kale Mashaariicda Waxbarashada ee hadda socda, si loo xoojiyo fidinta adeegyada iyo tayada Waxbarashada Qaranka JSL.

Wasiirku waxa uu Golaha u sharaxay ujeeddada guud ee laga lahaa Shirka, taasi oo ahayd:

1. In si dhab ah loo cabbiro horumarka laga gaadhay hirgelinta Qorshaha Sannadlaha,

2. In la xoojiyo maamulka iyo Isku-dubbaridka Mashaariicda Waxbarashada Dalka,

3. In la aqoonsado caqabadaha hor taagan Waxbarashada JSL.

Wasiirku waxa uu xusay in shirku ku soo dhammaaday talooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo tayada Waxbarashada, helitaanka Waxbarasho loo siman yahay, iyo adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah, si loo dhiso jiil aqoon iyo xirfad leh oo u adeega horumarka qaranka.

𝟕) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Mudane Xasan Xaaji Axmed Ducaale (Xasan Macallin).

Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay waxyaabihii Wasaaarad ahaan u qabsoomay, kuwa weli qabyoobay iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaradda. Waxa uu xusay in qaab-dhismeedka Wasaaradda si buuxda loo dhammaystiray, si loo xoojiyo hufnaanta iyo isku-duwidda shaqada ay Wasaaraddu u xil saaran tahay.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha ka jira maamulka Degmooyinka iyo Gobollada, isaga oo tilmaamay dadaallada lagu horumarinayo maamul-wanaagga. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay tababarro iyo aqoon-korodhsi qoto dheer u samaysay hawl-wadeennada sare ee 75 degmo, si loo xoojiyo awoodda maamulka Dawladaha Hoose.

𝟖) 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐞-𝐖𝐚𝐚𝐱𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚-𝐱𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL,Mudane Khadar Xuseen Cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay muhiimadda iyo mudnaanta ay Xukuumadda iyo Qaranka Somaliland u leedahay in Hay’adaha Xukuumaddu si firfircoon uga qayb qaataan gudbinta wararka iyo farriimaha rasmiga ah ee Xukuumadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la helo Xukuumad dhan u wada jeedda, af keliyana ku hadlaysa, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo hufnaanta Dawladnimada, gaar ahaan marxaladdan Xasaasiga ah ee uu dalku galay.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in la qorsheeyey tababar qoto dheer oo la siin doono agaasime-waaxeedyada masuulka ka ah hannaanka wada-xidhiidhka Hay’adaha ’adaha Xukuumadda, si loo mideeyo farriimaha loona tayeeyo isgaadhsiinta Xukuumadda.

𝟗) 𝐈𝐜𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐟𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚:

Gabagabadii Fadhigii 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka hadlay Qaraarka Golaha Wasiirrada ee la xidhiidha Ictiraafka Dalka, isaga oo caddeeyey in Ictiraafku uu yahay Qaddiyad ummadeed, doonis Shacab iyo himilo Qaran oo ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha waxa uu xusay in go’aanka Goluhu uu ka tarjumayo maslaxadda guud ee dalka, waxana uu shacabka iyo Hay’adaha Dawladdaba ku boorriyey in ay u midoobaan difaaca qaranimada, xoojinta nabadda iyo horumarinta sumcadda Somaliland ee caalamka.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this