Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii golaha wasiirrada ee Somaliland iyo wixii lagaga hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhiga 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL, ka sokow Qaraarkacay soo saareen ee la xidhiidha Arrimaha Ictiraafka,
qodobbada kale ee maanta lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay dhan kastba.

Wasiirku waxa uu ka war bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in ictiraafka Israaโ€™iil uu mideeyey yuhuunta iyo wadajirka ummadda Somaliland gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib.

Wasiirku waxa uu xusay in Cadowga Somaliland uu kordhay sidaa darteedna loo baahan yahay xoojinta amniga gudaha iyo wada-shaqaynta Hayโ€™adaha Dawladda iyo shacabka, isaga oo ugu baaqay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in ay si mideysan uga hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida Qaranka JSL.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in korodhka dakhliga bisha January, 2026-ka uu u socdo sidii loogu talo galay, taas oo muujinaysa horumar dhanka maaliyadda ah. Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in Wasaaraddu midaysay buugga lacag-qabashada dhammaan hayโ€™adaha Xukuumadda, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed.

Intaa waxaa dheer, wasaaraddu waxay tababarro iyo aqoon-korodhsi xisaabaad u furtay qaar ka mid ah shaqaalaha, kuwaas oo uu bixinayo Machadka Culuunta Xisaabaadka Qaranka. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in iyaga oo kaashanaya Shirkadda DP World ay ballaadhinayaan adeegga ay bixiso Dekadda Berbera, si loo dhiirri-geliyo koboca dhaqaalaha Qaranka JSL.

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐š๐š๐›๐ฌ๐š๐ง ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL waxa uu Golaha u sheegay in Culimada reer Somaliland ay u midaysan yihiin difaaca Qarannimada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadanayaan difaaca iyo dhiirrigelinta ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu xusay in Culimada Somaliland ay si joogto ah u qabtaan Muxaadarooyin iyo Wacyigelin ay bulshada ku baraarujinayaan qiimaha Qarannimada, Midnimada, Amniga iyo ilaalinta arrimaha masiiriga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

๐Ÿ’. ๐๐š๐š๐›-๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ-๐ ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

Wasiirku waxa ay sheegtay in Wasaaraddu ay Qorshe ay ku samaysanyso qaab-dhismeedka Horumarinta Gobollada (Regional development Framework) iyo Qorshaha hawl-galka Horumarinta Sannadlaha ee Qaranka (Country Annual Operational Development Plan). Wasiirku waxa ay sheegtay in ujeeddada guud ee Qorshaha (Regional Development Framework) uu yahay samaynta, hirgelinta iyo hubinta horumar isku dheellitiran oo Gobollada ah, iyada oo la isku xidhayo Qorshayaasha heer Degmo, Gobol, iyo qarQan, isla markaana bulshada laga qaybgelinayo xiliga la qorshaynayo arrimaha mudnaanta u leh noloshooda.

Wasiirku waxa ay sharraxday faaโ€™iidooyinka muhiimka ah ee uu Qorshahani xambaarsan yahay, sida:

* Helidda Baahiyaha Gobollada,
* Isku-xidhnaanta Qorshayaasha Qaranka,
* Soo Jiidashada Maalgashiga,
* Hagidda Wasaaradaha, Qaadhaan bixiyayaasha iyo Private sectors-ka

๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr Xuseen Bashiir Xirsi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay in hawlaha Wasaaraddu ay si habsami leh u socdaan, isla markaana adeegyada Caafimaad ee Qaranku ay shaqaynayaan intii suurtagal ah. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka hadlay xannuunka xummadda ee dalka ka dillaacay Gobollada Dalka qaarkood, isaga oo sheegay in Wasaaraddu ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo ka hortag, daaweyn iyo wacyigelinba leh, si loola tacaalo xanuunkan xummadda ah, dhakhaatiir iyo daawooyina ay ku xoojisay.

Intaa waxaa dheer, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa uu bulshada siiyo adeegyo caafimaad oo wacan, isaga oo ka shaqaynaya baahiyaha caafimaad ee dadweynaha intii awooddiisa ah.

๐Ÿ”. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ–-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ข๐›-๐ฎ-๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaraddu ay ku guulaysatay qaban-qaabada iyo qabashada Shirweynaha 8-aad ee Dib-u-eegista Qorshaha Waxbarashada Qaranka JSL (Joint Review of the Education Sector-JRES) iyo qiimaynta Mashruuca Waxbarasho ee GPE (Global Partnership for Education).

Wasiirku waxa uu sheegay in Shirweynaha 8-aad ee Dib-u-eegista Qorshaha Waxbarashada lagu lafa-guray guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaadhay hirgelinta Qorshaha Istiraatijiyadda Waxbarashada ee 2026-ka, iyo sidoo kale Mashaariicda Waxbarashada ee hadda socda, si loo xoojiyo fidinta adeegyada iyo tayada Waxbarashada Qaranka JSL.

Wasiirku waxa uu Golaha u sharaxay ujeeddada guud ee laga lahaa Shirka, taasi oo ahayd:

1. In si dhab ah loo cabbiro horumarka laga gaadhay hirgelinta Qorshaha Sannadlaha,

2. In la xoojiyo maamulka iyo Isku-dubbaridka Mashaariicda Waxbarashada Dalka,

3. In la aqoonsado caqabadaha hor taagan Waxbarashada JSL.

Wasiirku waxa uu xusay in shirku ku soo dhammaaday talooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo tayada Waxbarashada, helitaanka Waxbarasho loo siman yahay, iyo adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah, si loo dhiso jiil aqoon iyo xirfad leh oo u adeega horumarka qaranka.

๐Ÿ•) ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Mudane Xasan Xaaji Axmed Ducaale (Xasan Macallin).

Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay waxyaabihii Wasaaarad ahaan u qabsoomay, kuwa weli qabyoobay iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaradda. Waxa uu xusay in qaab-dhismeedka Wasaaradda si buuxda loo dhammaystiray, si loo xoojiyo hufnaanta iyo isku-duwidda shaqada ay Wasaaraddu u xil saaran tahay.

Wasiirku waxa uu sidoo kale ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha ka jira maamulka Degmooyinka iyo Gobollada, isaga oo tilmaamay dadaallada lagu horumarinayo maamul-wanaagga. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay tababarro iyo aqoon-korodhsi qoto dheer u samaysay hawl-wadeennada sare ee 75 degmo, si loo xoojiyo awoodda maamulka Dawladaha Hoose.

๐Ÿ–) ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž-๐–๐š๐š๐ฑ๐ž๐ž๐๐ฒ๐š๐๐š ๐–๐š๐๐š-๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL,Mudane Khadar Xuseen Cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay muhiimadda iyo mudnaanta ay Xukuumadda iyo Qaranka Somaliland u leedahay in Hayโ€™adaha Xukuumaddu si firfircoon uga qayb qaataan gudbinta wararka iyo farriimaha rasmiga ah ee Xukuumadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la helo Xukuumad dhan u wada jeedda, af keliyana ku hadlaysa, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo hufnaanta Dawladnimada, gaar ahaan marxaladdan Xasaasiga ah ee uu dalku galay.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in la qorsheeyey tababar qoto dheer oo la siin doono agaasime-waaxeedyada masuulka ka ah hannaanka wada-xidhiidhka Hayโ€™adaha โ€™adaha Xukuumadda, si loo mideeyo farriimaha loona tayeeyo isgaadhsiinta Xukuumadda.

๐Ÿ—) ๐ˆ๐œ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐Ÿ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š:

Gabagabadii Fadhigii 52-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka hadlay Qaraarka Golaha Wasiirrada ee la xidhiidha Ictiraafka Dalka, isaga oo caddeeyey in Ictiraafku uu yahay Qaddiyad ummadeed, doonis Shacab iyo himilo Qaran oo ku salaysan xaqa aaya-ka-tashiga ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha waxa uu xusay in goโ€™aanka Goluhu uu ka tarjumayo maslaxadda guud ee dalka, waxana uu shacabka iyo Hayโ€™adaha Dawladdaba ku boorriyey in ay u midoobaan difaaca qaranimada, xoojinta nabadda iyo horumarinta sumcadda Somaliland ee caalamka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this