Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaabkii ka firxaday Jabad-Godane oo laga daba tegay kadibna…

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-2.jpeg?fit=1643%2C1094&ssl=1

Warsheekh (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgallo culus oo saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen A-Shabaabkii ka firxaday aagga deegaanka Jabad-Godane, kuwaas oo looga daba tegay deegaanka Alanley ee isla gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo mar kale kooxfa lagu gaarsiiyay jab culus.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay beegsadeen firxadkii Al-Shabaab ee ka cararay dagaalladii ka dhacay Jabad-Godane, iyada oo ciidamada ay gudaha u galeen deegaanka Alanley, kadibna ay burburiyeen fariisimo cusub oo ay halkaasi ka sameyteen.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay howlgal qorsheysan ku burburiyay fariisimadii kooxda Khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaanka Alanley ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday firxadkii ka haray jabkii Khawaarijta ku gaaray deegaanka Jabad Godane, Ciidamada ayaana cagta mariyay dhammaan fariisimadii ay gabaadka ka dhiganayeen nabadiidku, ee deegaanka Alanley” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sawirro ay baahisay warbaahinta Qaranka ayaa muujinaya godad waa wayn iyo dhufeysyo ay Khawaarijta ku lahayd halkaas oo gebi ahaan cagta la mariyay, waxaana hadda ka socda howlgal lagu xaqiinayo amniga deegaanka.

Sidoo kale, saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ay baadi goobayaan firxadka Khawaarijta, ayna sii socon doonaan howlgallada, illaa laga xaqiijiyo amniga deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalkii dhawaan ka dhacay Jabad-Godan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo dowladdu xaqiijiyay in dagaalkaas lagu dilay 550 xubnood oo 80 kamid ah ay yihiin ajaaniib.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, iyada oo inta badan lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, sida kii ka dhacaydeegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

622352293_1431526309013971_2540476172131623439865_1431526369013965_4571462316088622886889_1431526475680621_5187157356564621855877_1431526305680638_7215574141130

The post Al-Shabaabkii ka firxaday Jabad-Godane oo laga daba tegay kadibna… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this