Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta dagaal xooggan oo mar kale ka qarxay gudaha Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Tigray.jpeg?fit=1200%2C800&ssl=1

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in mar kale uu dagaal xooggan ka qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga TPLF ee gobolka Tigray.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Tsemlet, oo ku yaalla dhanka galbeedka gobolka Tigray, halkaas oo ay isku haystaan maamullada Tigray iyo Amxaarada.

Iskahorimaadka ka socda deegaankaasi ayaa ah mid sii xoogeysanaya, waxaana laga dareemayaa saameyn ballaaran oo dhinaca amniga ah.

Dagaalkan ayaa sababay in si buuxda loo joojiyo duulimaadyadii diyaaradaha ee tegi jiray gobolka Tigray, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan halka dagaalku ka socdo.

Hakadka ku yimid duulimaadyada ayaa muujinaya sida ay xaaladdu uga sii dareyso, iyadoo dad badan ay wajahayaan cabsi iyo hubanti la’aan.

Dhanka kale, gobolka Tigray waxaa ka taagan xaalad nololeed oo aad u adag, iyadoo shacabka ay la tacaalayaan gaajo ka dhalatay joojinta gargaarkii bani’aadamnimo ee ay bixin jireen hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan USAID.

Dagaalkan dib u qarxay ayaa walaac xooggan ku abuuray dadka rayidka ah, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dib loogu laabto colaaddii dhiigga badnayd ee horay u dhex martay dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigray intii u dhaxeysay sanadihii 2020 illaa 2022.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii ciidamada ammaanka Itoobiya ay xabsiga dhigeen Sarreeye Guuto Guesh Gebre, oo hore u ahaa taliyihii Ciidanka Militariga Qaybta 15-aad.

Sarreeye Guuto Guesh Gebre ayaa lagu yaqaanay mowqifkiisa ka dhanka ah qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada ee taageeray shirweynihii guud ee TPLF.

Waxa uu si cad u dalbanayay in wax laga beddelo maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, kaas oo uu hoggaamiyo Getachew Reda. Doodahaas dartood, waxaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Dhankiisa, Getachew Reda ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku muujiyay diidmo uu ka qabo xarigga Guesh Gebre, isagoo sheegay in Guesh lagu yaqaanay geesinimo iyo doorkii uu ka qaatay xilliyadii adkaa ee dagaalka, gaar ahaan dadaalkii uu ku joojinayay kala daadashada ciidamada Tigrayga.

Getachew ayaa su’aal geliyay sababta loo xiray sarkaal sannad ka hor xilka si aan caddaalad ahayn looga qaaday, isaga oo xusay in eedeymaha la xiriira gacan-saar lala sameeyay cadow ay yihiin kuwo aan la hubin.

Waxa uu intaa ku daray in arrintan lagu bartilmaameedsaday Guesh iyo kooxdiisa sababo la xiriira mowqifkooda siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka haatan dib u qarxay ayaa haddii uu sii socdo, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib loogu laabto dagaalkii adkaa ee labada sano ka socday gobolka Tigray.

The post Faah-faahinta dagaal xooggan oo mar kale ka qarxay gudaha Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this