Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo fasiraad yaab leh u sameysay diidmada Turkiga iyo Jabuuti ee aqoonsiga

Recommended Posts

Deeq A.   
622591413_1453862719433294_6185287105831

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dalalka diidmada adag kala horyimid aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil, ayaa sheegay in Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ay sababo la xiriira dano dhaqaale uga soo horjeedaan.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Turkigu ahaa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan dunida Islaamka ee aqoonsada Israa’iil, hase yeeshee heshiisyo dhaqaale oo uu la galay dowladda Soomaaliya awgeed uu si cad uga hor yimid aqoonsiga Somaliland.

Waxay sheegeen in Turkigu filayay in heshiisyadaas uu kula jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku heli karo kheyraad ku yaalla Somaliland, taasina ay sababtay diidmadiisa.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay dadaal badan gelisay hagaajinta xiriirka ay la leedahay Jabuuti, balse dowladda Jabuuti ay qaaday tallaabooyin muujinaya cadaawad iyo xannibaad toos ah oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland.

Wuxuu xusay in shacabka Jabuuti ay yihiin dad walaalo ah, balse maamulka talada haya uu rumeysan yahay in Somaliland la wiiqo.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in haddii Jabuuti ay si dhab ah u taageeri lahayd midnimo Soomaaliyeed, ay fursad u haysatay inay ku biirto Soomaaliya sannadkii 1977-kii markii ay xorriyadda qaadatay, balse markaas ka baaqsatay midnimada, maadaama ay arkaysay duruufaha ka jiray Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa mowqifkeeda dhabta ah.

“Haddii Jabuuti ay jacayl dhab ah u qabeen Soomaalinimada, way ku biiri lahaayeen,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirradu waxay dhaliil culus u jeediyeen dowladda Soomaaliya, hoggaanka hadda jira iyo qaar kamid ah madaxdii hore, iyagoo sheegay in qorshayaasha lagu burburinayo Somaliland laga hagayo Muqdisho.

Waxay tilmaameen in qaar kamid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya aanay qayb ka ahayn arrimahaas, isla markaana aanay wax colaad ah kula jirin Somaliland.

Waxay sidoo kale sheegeen in Somaliland ay gacanta ku hayso marin-biyoodka Bab al-Mandab, isla markaana aan go’aan ama heshiis ku saabsan arrimahaas la gaari karin iyada oo aanay qayb ka ahayn, iyadoo uga digtay dowladda Soomaaliya inay heshiisyo kula gasho dalal shisheeye.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Taas oo ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland, tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Si kastaba, dalalka safka hore kaga jira diidmada aqoonsiga Somaliland waxaa kamid ah dowladaha Jabuuti, Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo haatan xiriir wanaagsan iyo iskaashi kala duwan oo muhiim ah kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

The post Somaliland oo fasiraad yaab leh u sameysay diidmada Turkiga iyo Jabuuti ee aqoonsiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this