Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib kulankii mucaaradka, guddiga dowladda oo la kulmay ururrada siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   
1769698498413.webp?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Wada-hadallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay magaalada Muqdisho urrurada siyaasadda dalka.

Ururradan oo ah kuwii ka qeyb-galauy doorashadii goleyaasha deegaanka ee qof iyo cod ee gobolka Awdal ayaa waxa uu guddiga ula kulmay, si ay uga dhageystaan talooyinka iyo aragtida arrimaha saamaynta ku leh masiirka dalka.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka, joogteynta wada-hadalka iyo isu-tanaasulka siyaasadeed, ka jawaabidda xaaladda abaaraha ee degdegga ah.

Waxay isla qaateen in la sameeyo abaabul mideysan oo ay wadajir uga qeyb qaataan dowladda, urrurada siyaasadda, ganacsatada, deeq-bixiyeyaasha iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sidoo kale, waxaa laga wadatashadey xoojinta amniga iyo difaaca dalka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, iyo dardar-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee heerarka kala duwan ee dowladda.

Intii kulanka socday waxaa sidoo kale la isla qaatay ballaarinta ka-qeybgalka siyaasadda iyo sii wadista dadaallada lagu dhamaystirayo dastuurka, maadaama horumarka dowladnimada dalka ay saldhig u tahay helidda dastuur dhamaystiran.

Guddiga Wasiirrada ayaa u mahadceliyay urrurada siyaasadeed ee ka soo qeyb-galey wadatashiga, iyagoo sidoo kale adkeeyay in wadatashiyadan ay sii socdaan si loo helo aragti iyo talo mideysan.

Si kastaba, kulankan maanta guddiga uu la qaatay ururrada siyaasadda ayaa qeyb ka ah la-tashiyada guddiga wasiirradu la leeyihiin qeybaha bulshada iyo saamilayda siyaasadda.

622696118_1431933268973275_7837452935172

The post Kadib kulankii mucaaradka, guddiga dowladda oo la kulmay ururrada siyaasadda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this