Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda Saylac oo kasii dartay iyo beelaha Gadabuursi oo ku dhawaaqay…

Recommended Posts

Deeq A.   
623297451_910167711399213_61250800399723

Boorama (Caasimada Online) – Xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Saylac ee gobolka Awdal ayaa kasii dareysa, iyadoo maanta beelaha Gadabuursi ay ku dhawaaqeen “is-difaac” ka dhan ah beelaha Ciise.

Saylac oo weli ka taagan tahay xiisaddii ka dhalatay joojinta bandhiga Xeer Ciise, ayaa haatan labada beel isku hub aruursanayaan, iyadoo deegaano qaar oo gobolka Awdal la sheegay inuu iska hor imaad ku dhex-maray.

Guddiga guud ee dhaqanka beelaha Gadabuursi, oo ka kooban salaadiin iyo cuqaal, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama. Waxay sheegeen in lagu soo duulay dhulkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay difaacaan.

“Beelaha Gadabuursi waxa ay cid kasta oo dan ka leh nabadda Geeska Afrika u caddeynayaan in aanay iyagu cidna duulimaad ku ahayn, balse ay yihiin dad difaac ku jira oo ilaashanaya dhulkooda iyo taariikhdooda,” ayaa lagu yiri bayaanka odayasha dhaqanka beelaha Gadabuursi.

Sidoo kale, waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in deegaanadeeda ay ka joojiso kooxaha qaswadayaasha ah ee ka soo duulaya waddamada deriska ah. “Maadaama kooxahaasi aanay ahayn kuwo u dhashay Somaliland, balse raba inay burburiyaan nabadda Somaliland,” ayay sheegeen.

Waxaa muddooyinkii dambe deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ku soo qulqulayay maleeshiyaad beeleed hubaysan oo tiro badan, kuwaas oo ka soo tallaabayay xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti, kaddib markii ay xukuumadda Somaliland joojisay bandhigga buugga Xeer Ciise.

Hoos ka aqriso qodobo muhiim ah oo ku jira warmurtiyeedka:

  1. Guddida dhaqanka beelaha Gadabuursi waxa ay si toos ah dadkooda ugu caddeynayaan in duulaan dagaal oo qaawan lagu soo qaaday deegaannadooda xeebaha gobolka Salal, duulaankaas oo ahaa damac dhul-doon socday labadii sano ee ugu dambeeyay.
  2. Tan iyo intii lagu soo qaaday duulaanka dhulka beelaha Gadabuursi, waxa ergooyin nabadeed ugu yimid beelaha Gadabuursi ilaa 4 ergo oo soomaaliyeed, kana kala yimid Hargeysa, Badhan, Itoobiya, iyo Kenya. Beelaha Gadabuursi waxa ay ergooyinkaa ka aqbaleen inay diyaar u yihiin nabad haddii laga helayo dhigooda beelaha Ciise, kuwaas oo ku baaqay dagaalka duulimaadka ah ee ku jihaysan dhulka beelaha Gadabuursi.
  3. Beelaha Gadabuursi waxa ay caddeynayaan in aanay iyagu cidna duulimaad ku ahayn, balse ay yihiin dad difaac ku jira oo ilaashanaya dhulkooda iyo taariikhdooda.
  4. Guddidu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan beelaha Gadabuursi inay u diyaar-garoobaan difaac kama-dambays ah oo lagaga hortagayo duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday dhulkooda Alle ku beeray.
  5. Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi waxa ay dadkooda farayaan meel ay joogaanba in si buuxda u taageeraan difaaca dhulkooda, kuna bixiyaan maal iyo nafba. Sidoo kale waa in loo hoggaansamaa oo la fuliyaa wax kasta oo amar ah oo ka soo baxa guddiga dhaqanka.
  6. Beelaha Gadabuursi waxa ay si cad u sheegayaan in dhammaan dhulweynaha ka kooban gobolka Salal aanay suurto gal ahayn in wax la yidhaa “Guban State” laga dhiso, taas oo dhawaan kooxo aan gobolka Salal u dhalan ku dhawaaqeen magaalada Xamar.
  7. Beelaha Gadabuursi waxa ay xukuumadda Somaliland ugu baaqayaan in dalka laga joojiyo kooxaha qaswadayaasha ah ee ka soo duulaya waddamada deriska ah. Maadaama kooxahaasi aanay ahayn kuwo u dhashay Somaliland, balse raba inay burburiyaan nabadda Somaliland.
  8. Beelaha Gadabuursi waxa ay si mug iyo miisaan leh u garab taagan yihiin dowladnimada Somaliland, maadaama ay yihiin dadkii dhisay dowladnimada Somaliland ee maanta la hadhsanayo.
  9. Guddidu waxa ay tacsi u diraysaa labadii marxuum ee safarka ahaa ee dhawaan jidgooyada loo galay ku naf waayay, iyo dhammaan mujaahidiintii kale ee iyaguna u shahiiday difaaca dhulkooda. Waxan leenahay Allah ha u naxariisto dhammaantood.

Allaa mahad leh!
Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi

The post Xiisadda Saylac oo kasii dartay iyo beelaha Gadabuursi oo ku dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this