Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray ajendaha shirka iyo qodobo kale

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowladda-Mucaaradka-scaled.webp?fit=2560

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada farsamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa gaaray heshiis ka gaaray ajendaha shirka, kaas oo la filayo in uu 1-da Febraayo ka furmo magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiyada ayaa isku raacay in ajendayaasha shirka madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu noqdo: arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha.

Sidoo kale waxay isfaham ka gaareen hannaanka iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha la filayo, iyagoo isku raacay in wada-hadallada heerka sare ah lagu qabto hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane.

Tan ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay ka gaws qabsadeen inay tagaan Villa Somalia, isla markaana ay Xalane u arkaan goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca amniga, dhinacyadu waxay xalliyeen cabashadii la xiriirtay ilaalada madaxda. Waxaa la isku raacay in sugidda amniga Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay gaar u tahay ilaaladooda gaarka ah, balse ay wadashaqeyn iyo is-xogwaraysi joogto ah la yeelan doonaan saraakiisha Ciidamada Federaalka si looga fogaado isku-dhac ama jahwareer amni.

Inkastoo Dowladda ay ka walaacsan tahay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay ciidamo culus la soo galaan caasimadda, si la mid ah wada-hadalladii doorashadii 2022-kii.

Si loo dhiso kalsoonida, waxaa laga laabtay waarankii qabashada ee horay loogu jaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaas oo ay maxkamadda gobolka Banaadir soo saartay 27-kii November ee 2024-kii, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday dib u doorashadiisa.

Maxkamadda Gobolka ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ooday gal-dacwadeedkii ka dhanka ahaa Axmed Madoobe, iyada oo sheegtay in xeer ilaalintu ay dib ula noqotay dacwaddeeda, soona dalbatay in la xiro kiiska.

Xilligaas Axmed Madoobe waxaa lagu soo eedeeyay fal-dambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka, taas oo macno ahaan noqoneysay inuu ku kacay “khiyaano qaran”.

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray soo xiristii Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda gobolka, maadaama la filayo in haatan uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu wada-hadallo ula yeesho dowladda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaneysa laba maalmood ka hor furitaanka shirka wadatashiga, isla markaana la filayo inay Muqdisho yimaadan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ah wada-hadallada ay dowladdu la yeelaneyso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira dalka.

The post Xog: DF iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray ajendaha shirka iyo qodobo kale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this