Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma taliyaha cusub ee ciidanka xoogga Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
622352262_1249424963953314_1327262255094

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Waa kuma Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga?

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud waa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa hoggaanka Ciidanka Xoogga.

Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si weyn uga soo shaqeeyay hay’adaha hoggaaminta ciidanka, isaga oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda.

Si gaar ah, waxa uu hore u ahaa Taliyaha Hoggaanka Taageerada Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (General Support Command), oo ah hoggaan muhiim u ah howl-galinta iyo joogtaynta awoodda ciidanka.

Xilkan muhiimka ah ayaa loo magacaabay bishii Juunyo ee sanadkii 2024, kaddib wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu xilkaas hayay, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud waxa uu mas’uul ka ahaa maareynta farsamo ee ciidanka, gaar ahaan sahayda, agabka difaaca iyo nidaaminta gaadiidka militariga.

Sidoo kale, waxa uu si dhow u kormeerayay in ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ay helaan taageerada iyo qalabka ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa haatan si rasmi ah xilka Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugala wareegaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

The post Waa kuma taliyaha cusub ee ciidanka xoogga Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this