Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo qaadatay mas’uulliyadda raashinkii WFP

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa qaadatay mas’uulliyadda raashinkii dhawaan lagala baxay bakhaarka keydka hay’adda WFP ee gudaha dekedda Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dib loo soo celiyay agabkii iyo raashinkii lagala baxay bakhaarkaas, islamarkaana ay ka xun tahay sida ay wax u dhaceen.

Dowladda Soomaaliya waxay xustay in bakhaar kii hore ka weyn ay gudaha dekedda Muqdisho ka siisay hay’adda WFP, ayna hadda kaddib ballanqaadayso daahfurnaan iyo isla-xisaabtan, si looga hortago wixiii hore u dhacay oo kale.

Dowladda Maraykanka ayaa hore u sheegtay in dib u soo celinta gargaarka ay ku xirnaan doonto tallaabada ay qaaddo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxay dhawaan hakisay dhammaan howlihii gargaarka ee Soomaaliya, kadib markii la jabsaday bakhaar ay taalay 76 tan oo cunto ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee Soomaaliya, arrintaas oo lagu eedeesay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka.

1000126275-1010x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this