Deeq A. Posted Tuesday at 09:58 AM Wasiir ku-xigeenka gaadiidka iyo kaabayaasha ee Turkiga Durmus Unuvar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maana soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wasiiru dowlaha dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Dhucle. Wasiir Maxamed Dhucle ayaa uga mahadceliyey wasiirka Turkiga booqashada uu ku yimid Muqdisho, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay xoojinta xiriirka labada dal ee kor u qaadista iskaashiga kaabayaasha dekadaha iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda. Wafdiga Turkiga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho waxay kulamo la yeelan doonaan madaxda sare ee wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, iyo horumarinta wax wada qabsiga la xiriira ee kaabayaasha dhaqaalaha. Turkiga wuxuu saameyn weyn ku yeelahay magaalada Muqdisho, isaga oo maamula garoonka iyo dekedda Muqdisho, sidoo kale ku leh saldhigga ugu weyn ee dalkiisa ka baxsan. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites