Deeq A. Posted Tuesday at 02:14 PM Xubnaha guddiga dastuurka ku matala Jubaland, Somaliland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid qorshaha Villa Somalia iyo cutubyada loo gudbiyay Baarlamaanka Federaalka. Xubnahan ayaa sheegay in qodobada wax ka baddelka lagu sameynayo ee dastuurka ay ku jiraan kuwa ka soo horjeeda dowlad goboleedyada ay matalaan. Dhanka kale xubnaha guddiga joogtada ah ee Baarlamanka oo maanta kulan aan caadi ahayn yeeshay ayaa ku kala qaybsamay in golaha ay ka doodaan dhameystirka dastuurka iyo in uu sii socdo kalfadhiga 7-aad ee golaha oo waqtigiisu dhammaaday. Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay doonaysaa in 40 beri lagu daro kalfadhiga Baarlamaanka, islamarkaana wax ka baddel lagu sameeyo cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa maalmo ka hor ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee madaxweynahu wuxuu dardargeliyay sii wadida qodobkaas. Todobaadka soo socda waxaa loo madlan yahay shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, wax ka baddelka dastuurkana waa qodobka ugu adag oo ay isku hayaan labada dhinac. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites