Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo la weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   
1000126751.webp

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Koongareeska Maraykanka kana soo gasha gobolka Minnesota ayaa xalay lagu weeraray kulan ay hadal ka jeedinaysay oo ka dhacayay Minneapolis.

Nin caddaan ah oo horteeda fadhiyay ayaa inta uu soo istaagay wax dareero ah oo la ogayn waxa uu yahay ku buufiyay, isaga oo isticmaalay irbad.

Ninka ayaa islamarkiiba la qabtay, waxaana muuqaal baahay lagu arkayay isagoo lagu dul fadhiyo iyo Ilhaan Cumar oo loogu baaqayo in ay goobta ka tagto, balse diidayso oo ku adkaysanaysa in ay hadalkeeda sii wadanayso.

I’m ok. I’m a survivor so this small agitator isn’t going to intimidate me from doing my work.

I don’t let bullies win.

Grateful to my incredible constituents who rallied behind me. Minnesota strong.

— Ilhan Omar (@IlhanMN) January 28, 2026

Xildhibaan Ilhaan ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X (hore loo oran jiray Twitter) ku sheegtay in ay fiican tahay, islamarkaana weerar lagu soo qaaday uusan ka cabsi gelinayn shaqadeeda.

Ilhaan Cumar waxa marka la weeraray ay  cambaaraynaysay tallaabooyinka ay qaaday hay’adda socdaalka iyo hastamyada Maraykanka (ICE) ee ku sugan Minnesota.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this