Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Wasiirada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000126860.jpg

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka 27aad ee wasiirada maaliyadda Geeska Afrika, kaas oo ay sanadkan martigelisay Soomaaliya, waxaana shir guddoomiyay wasiirka maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, oo sidoo kale sanadkan ah guddoomiyaha wasiirada maaliyadda ee Geeska Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirada maaliyadda ee dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudan, Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya, waxaana lagu wadaa in uu ku soo biiro madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

1000126861.jpg

Inta uu shirka socdo, mas’uuliyiinta heer wasiir, Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, Dowladda UK, iyo hay’adaha maaliyadda iyo dhaqaalaha ee gobolka iyo caalamiga ah ayaa isku weydaarsan doona arrimaha hindisaha iskaashiga dhaqaalaha, gaar ahaan ka faa’iideysiga tamarta Geeska Afrika. Shirka ayaa la filayaa in gunaanadkiisa laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo isdhexgalka dalalka, gaar ahaan xagga tamarta.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Midowga Yurub, Bangiga Horumarinta Afrika, Dowladda Ingiriiska, iyo Urur Goboleedka IGAD.

Shirka ayaa ah mid lixdii biloodba mar la qabto, iyadoo diiradda lagu saarayo iskaashiga dhaqaale iyo horumarinta wax-soosaarka dalalka Geeska Afrika.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this