Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan

Recommended Posts

Deeq A.   
1000126776.jpg

Kulan la damacsanaa in lagu soo bandhigo wax ka baddel dastuur oo ay xildhibaanada labada aqal maanta yeesheen ayaa ku dhammaaday guuldarro kaddib markii uu harreeyay buuq iyo sawaxan horseeday in kulanka lasoo afjaro.

Xildhibaannada mucaaradka ah oo ku doodayay in qorshaha wax ka baddel dastuurka uusan marin wadatashi iyo habraac sharci ayaa awoodooda muujiyay, kuwaas oo buuq ka abuuray hoolka, lana wareegay masraxa, iyaga oo jeex-jeexay warqadihii qorshaha kulanka.

Sidoo kale xildhibaanada mucaaradka ayaa qaaday heesta calanka Soomaaliya, taasoo beddeshay jawigii hoolka, una muuqatay farriin ay ku muujinayaan midnimo iyo mowqifkooda siyaasadeed.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaysay in 40 beri lagu daro kalfadhiga Baarlamaanka, islamarkaana wax ka baddel lagu sameeyo cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa maalmo ka hor ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee madaxweynahu wuxuu dardargeliyay sii wadida qodobkaas.

Todobaadka soo socda waxaa loo madlan yahay shirka Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka dhacaya Muqdisho, wax ka baddelka dastuurkana waa qodobka ugu adag oo ay isku hayaan labada dhinac.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this