Sign in to follow this  
Deeq A.

Wax-ka-beddelka Dastuurka DFS: Khalad Siyaasadeed oo Halis Gelinaya Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xilli uu gabaabsi yahay muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, isla markaana kal doorashadii soo dhowdahay, isku-day kasta oo haldhinac ah oo wax looga beddelayo Dastuurka waa tallaabo mas’uuliyad-darro ah oo aan ku saleysneyn dan qaran. Iskudaygaani wuxuu muujinayaa ujeedooyin leh dano gaar ah iyo kursidoon shakhsiyeed, wuxuuna dhaawacayaa sharciyadda hay’adaha dowladda iyo kalsoonida shacabka.

Soomaaliya maanta waxay ku jirtaa marxalad nugul ah iyadoo ay ka jiraan duulaan ka dhan ah midnimada dalka, caqabado amni, abaaro iyo dhibaatooyin dhaqaale, taas oo u baahan midnimo qaran iyo hoggaan leh xilkasnimo iyo masuuliyad. Tallaabooyinka degdegga ah ee aan laga fiirsan waxay sii hurinayaan kala qaybsanaanta iyo is-aaminaad darada jirta, waxayna wiiqayaan dadaallada dowlad-dhisidda iyo xasilinta dalka.

Ugu dambayn, Dastuurku waa heshiis bulsho oo saldhig u ah midnimada iyo mustaqbalka qaranka. In wax ka beddelkiisa loo maro sifo aan sharci ahayn waxay keenikartaa cawaaqib xumo iyo kalaqaybsanaan hor leh. Isbeddel kasta waa in uu ku yimaadaa sifo sharci ah, wadatashi dhab ah, hufnaan iyo aragti qaran oo ka barax la’ dano gaar ah.

W.Q: Guuleed Saalax Barre

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this