Deeq A. Posted 15 hours ago Ilaa todobada qof oo carruur u badan ayaa biyo la’aan ugu dhintay deegaanno ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug. Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade ayaa arrintan xaqiijiyay, isaga oo diray qaylo-dhaan la xiriirta biyo la’aan iyo baad la’aan daran oo ka jirta guud ahaan gobolkaas. Dhammaan gobolada Puntland waxaa ka jirta biyo la’aan xoog leh oo ay keentay abaarta, kadib markii ay baaqdeen roobabkii la filayay xiiliyadii dayrta iyo guga ee sanadkii hore, waxaana la tilaamay in ay gureen baraagihii iyo ceelashii abaarta awgeed. Waxaana laga soo dayrinayaa nolosha dadka reer guuraaga ah oo ay soo wajahday cunto la,aan iyo biyo la,aan, iyada oo ay magaalooyinka ku soo xeroodeen qoysas ka badan boqolaal, kuwaas oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta ka jirta Puntland. Dadka soo gaaray magaalooyinka iyo tuulooyinka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Puntland Post inaanu jirin ilaa iyo hadda wax gurmad ah oo ka soo gaaray dowladda iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites