Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo Caddeeyay in aan Dhulkooda iyo Hawadooda laga Weerari Doonin Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa bayaan rasmi ah ku xaqiijisay in Dawladda Imaaraadku si buuxda uga go’an tahay in aan la oggolaan isticmaalka dhulka, hawada ama biyaha dalkaas si loogu fuliyo hawlgallo militari ah oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isla markaasna aan la bixin doonin wax taageero ah oo nooc kasta ha ahaatee.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu si joogto ah u adkaynayo mawqifkiisa ku aaddan ilaalinta xasilloonida gobolka, yaraynta xiisadaha sii kordhaya, iyo in xalalka lagu wajaho khilaafaadka ay noqdaan kuwo ku dhisan wadahadal iyo dariiqooyin diblomaasiyadeed.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo madaxbannaanida dalalka ay yihiin tiirarka aasaasiga ah ee siyaasadda arrimaha dibedda ee Imaaraadka, iyadoo la xusay in habdhaqankaasi uu muhiim u yahay xal-u-helidda qalalaasaha ka taagan gobolka.

Ugu danbayn, Imaaraadka Carabta ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal iyo isfahan, lagana fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta dagaal ama qalalaase hor leh.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this