Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Guuxa mooshin culus oo ka socda BF + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo haatan lagu jiro waqti kala bax iyo xaalad adag oo kala guur ah, isla markaana uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa waxaa haddana soo shaac baxay abaabulka mooshin ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, mooshinka ayaa ku saabsan diidmo ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay haatan ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in maanta Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ay bilaabeen uruurinta saxiixa mooshinkan lagu diidan yahay wax ka beddelka Dastuurka iyo sidoo kale in Baarlamaanku sii shaqeeyo xilli uu dhammaaday waqtiga Kalfadhiga 7-aad ee Golaha.

Dooddan ayaa si weyn bannaanka ugu soo baxday maanta, waxaana sii xoogeysanaya ololaha mooshinka oo illaa iyo hadda ay saxiixeen Xildhibaanno dhowr ah oo ujeedkoodu yahay in guddoonka ay gaarsiiyaan warqadooda.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maanta guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay la kulmeen guddoonka labada Gole, iyaga oo ku wareejiyay soo jeedimaha wax-ka bdeedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha.

Sidoo kale, waxay ku ballameen in ay sii socdaan doodaha la xiriira wax ka beddalka Dastuurka, iyada oo weli ay taagan tahay tabashada mucaaradka.

Horay Villa Somalia oo kaashaneysa Baarlamaanka ayaa ku guuleysatay in wax laga beddalo afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka, taas oo keentay qaylo dhaan wayn oo ka timid mucaaradka iyo labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland, waxayna arrintaas dhalisay xiisad siyaasadeed oo ilaa iyo hadda ka taagan gudaha dalka.

Tallaabadan kale iyo isku deyga haatan la doonayo in lagu sii wado wax ka beddalka qodobada Dastuurka ayaa uga sii dari karta xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka dalka.

Si kastaba, dhawaan ayaa qorshuhu yahay in wada-hadallo toos ah ay yeeshaan Villa Somalia, Jubbaland, Puntland iyo Mucaaradka, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay wax ka beddalka Dastuurka iyo hannaanka guud ee Doorashooyinka dalka.

The post Xog: Guuxa mooshin culus oo ka socda BF + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this