Deeq A. Posted 19 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xaruntan ayaa laga hirgelin doono dhisme casri ah oo beddelaya xaruntii qadiimiga ahayd ee la dhisay sanadkii 1980, ujeedkana yahay in dhismaha cusub daboolo baahiyaha iyo waajibaadka wasaaradda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tallaabadani ay ka mid tahay siyaasadda xukuumadda Dan-Qaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, laguna xoojinayo hay’adaha dowliga ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhisamahan uu qeyb weyn ka qaadanayo fududeynta howlaha shaqo ee wasaaraddani ay u hayso bulshada Soomaaliyeed ayna yarayn doonto culayskii ka jiray dhanka xafiisyada iyo rugaha shaqada ee wasaaradda. Mudane Xamza ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay halbowlaha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wuxuunna bogaadiyay dadaalka Wasiir Biixi Iimaan Cige iyo bahda wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha dakhliga dalka. “Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aynu dhagax-dhigayno xarun dhexe oo weyn oo badqabkeeda iyo tayadeda la hubiyey si fiicaanna loo qalabeeyay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray: “Dhismahan marka uu dhammaado waxa aad yeellan doontaan xafiisyo ay ku howl-gali doonaan dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda, waanna idiinku hambalyeynaya tallaabada wanaagsan ee aad u qaadeen dhanka tayeynta adeegga.” Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad casri ah oo ka tarjumaysa xafiisyada la dhisi doono iyo sida loo hubiyey badqabka deegaanka iyo korontada, waxaanna ka qeyb qaadanaya dhisamaha xarunta cusub Bangiga Horumarinta Afrika, oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalkeenna. The post Sawirro: Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta dhagax dhigay… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites