Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo wajahaysa fadeexad hor leh oo la xiriirta Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
20260126_121149.webp?fit=1000%2C667&ssl=

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa wajahaysa fadeexad hor leh, kadib markii Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka (CENTCOM) uu baahiyay sawirro ay ka muuqdeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Masar oo ku sugnaa xarun uu Mareykanku maamulo, kuna taalla magaalada Kiryat Gat ee Israa’iil.

Sawirradaas oo si dhaqso ah loo tirtiray kaddib faafintooda, ayaa ahaa caddeyntii ugu horreysay ee si fagaare ah loo arko saraakiil Masaari ah oo ku sugan xarun ku dhex taalla Israa’iil, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Defence Security Asia. Taas oo dhalisay xasaasiyad diblomaasiyadeed iyo falcelin degdeg ah oo ka timid Qaahira.

Arrintaan ayaa bannaanka keentay heerka hoose ee wada-shaqeynta amni ee u dhaxaysa Masar, Mareykanka iyo Israa’iil, gaar ahaan arrimaha la xiriira la-tacaalidda xaaladda Gaza.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Masar ay si degdeg ah Mareykanka uga codsatay in la tirtiro sawirrada, kaddib walaac ay ka muujisay in muuqaalladu ay saameyn taban ku yeelan karaan aragtida shacabka Masar iyo guud ahaan dunida Carabta.

Tani waxay timid xilli Qaahira ay isku dayayso inay dheellitirto iskaashi amni oo qarsoon iyo mowqif muuqda oo ay ku taageerayso Falastiiniyiinta.

Xarunta Civil-Military Coordination Center (CMCC) ayaa la dhisay dabayaaqadii sanadkii 2025, kaddib markii la gaaray xabbad-joojin ka dhacday Gaza. Ujeeddadeedu waa isku-dubaridka gargaarka bani’aadannimo, la socodka hirgelinta xabbad-joojinta, iyo qorsheynta dib-u-dhiska Gaza.

Xaruntan waxaa hoggaamiya Mareykanka, waxaana ka qayb qaata dalal Carab iyo kuwo Reer Galbeed ah.

Masar ayaa muddo dheer kaalin muuqata ka qaadanaysay dhexdhexaadinta colaadda Gaza, gaar ahaan wada-hadallada xabbad-joojinta, sii-daynta maxaabiista, iyo fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

Si kastaba, hoggaanka Masar ayaa had iyo jeer ka fogaada in si cad loo muujiyo iskaashi ciidan oo ay la leeyihiin Israa’iil, arrimo la xiriira cadaadis gudaha ah, dareenka dadweynaha, iyo xasaasiyadda siyaasadeed ee gobolka awgeed.

Falanqeeyayaal ayaa aaminsan in tallaabada ay qaaday CENTCOM, inkastoo ay ahayd mid kooban, ay muujisay kala-duwanaanta u dhexeysa habka daahfurnaanta ee Mareykanka iyo istaraatiijiyadda qarsoodiga ah ee ay door bidaan qaar ka mid ah dalalka Carabta, gaar ahaan marka ay khusayso xiriirka Israa’iil.

Dhacdadan ayaa mar kale hoosta ka xariiqday in iskaashiga amni ee Bariga Dhexe uu yahay mid qoto dheer oo jira, balse inta badan la qariyo, maadaama soo bandhigistiisu ay khatar ku noqon karto xasilloonida siyaasadeed, sharciyadda hoggaaminta, iyo kalsoonida shacabka dalalka ku lugta leh.

The post Masar oo wajahaysa fadeexad hor leh oo la xiriirta Israa’iil appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this