Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Guddoomiye ku-xigeenka dastuurka iyo xubno kale oo ka horyimid wax ka beddelka

Recommended Posts

Deeq A.   
622379945_122164703624749841_88387470222

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Senator Cabdirisaaq Cismaan iyo xubno kale ayaa si adag uga horyimid in la sii wado wax ka beddelka dastuurka.

Guddoomiyaha iyo xubnaha wehliya oo caawa shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee haatan socda ay riixayso Villa Somalia, xilli dalka uu ku jiro xaalad kala-guur ah, isla markaana uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed.

Senator-ka ayaa sheegay inay gabi ahaanba ka baxeen hawshaas, maadaama maamul-goboleedyadii ay matalayeen laga saaray wada-tashiyada iyo go’aannada masiiriga ah.

Tani waxay ka dhigan tahay in guddiga dastuurka uu u kala jabay laba garab, xilli shalay uun Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dastuurka, Senator Cabdirisaaq Cismaan, uu Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mowqifka Senator Cismaan iyo xubnaha wehliya ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka dastuurka iyo is-mari-waaga baahsan ee weli ka dhex taagan Villa Somalia iyo maamullada dalka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wadaan mooshin ay ku diidaan wax-ka-beddelka dastuurka, kaas oo haatan ay wado Villa Somalia.

Mooshinka waxaa saxiixay xildhibaanno dhowr ah oo ujeedkoodu yahay in guddoonka baarlamaanka la gaarsiiyo warqadooda.

Sidoo kale, isla maanta guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa la kulmay guddoonka labada gole, iyagoo ku wareejiyay soo jeedimaha wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, iyo sidoo kale jadwaleynta doodaha ku saabsan soo jeedimahaas.

Arrimahan ayaa uga sii daraya xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka, iyadoo hore mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen wax-ka-beddelka dastuurka.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo: Guddoomiye ku-xigeenka dastuurka iyo xubno kale oo ka horyimid wax ka beddelka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this