Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhowaad 300 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka…

Recommended Posts

Deeq A.   
619530285_1429162719250330_1673911249562

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 275 muwaadiniin Soomaaliyeed.

Muwaadiniintan ayaa laga soo badbaadiyay tahriib sharci-darro ah iyo dhibaatooyin bani’aadannimo oo ay kala kulmeen dalka Liibiya.

Muwaadiniintan ayaa isugu jira rag, haween iyo carruur, kuwaas oo ku jiray xaalado halis ah.

Soo celinta muwaadiniintan waxaa si weyn u taageeray Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Aduunka (IOM Somalia), kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatay fududeynta safarka.

Muwaadiniintan ayaa la kulmay tacaddiyo, xarig sharci-darro ah iyo nolol aad u adag intii ay ku sugnaayeen Liibiya.

Markii ay dalka soo gaareen, waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta NCRI, halkaas oo lagu siiyay adeegyo dhameystiran oo ay ka mid yihiin:

  • Daryeel caafimaad
  • Hoy ku-meel-gaar ah
  • Taageero nafsiyeed
  • Cunto iyo
  • Wacyigelin ku saabsan khataraha tahriibka

Sidoo kale, muwaadiniintan waxaa dib loogu celiyay deegaannadoodii si ay ula midoobaan qoysaskooda, taas oo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu yareynayo tahriibka laguna ilaalinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

619445962_1429162682583667_7658116779167

619530285_1429162719250330_1673911249562

619992760_1429162662583669_4622615381849

622055100_1429162765916992_7122638418770

623362004_1429162512583684_3388311875313

619389525_1429162485917020_7004133438220

619891927_1429162489250353_8691890313458

622627038_1429162555917013_3115086239062

622349582_1429162582583677_4688859423590

623241829_1429162619250340_2523806156102

The post Ku dhowaad 300 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this