Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Mareykanka oo ku dhow IRAN iyo Imaaraadka oo soo saaray go’aan culus

Recommended Posts

Deeq A.   
The-USS-Abraham-Lincoln--scaled.webp?fit

Tehran (Caasimada Online) — Xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, kadib markii xukuumadda Tehran iyo isbahaysigeeda gobolka ay ku hanjabeen tallaabooyin milatari oo adag, xilli ciidamada badda Mareykanka ay soo dhoobteen biyaha Gacanka Carabta. 

Dhaq-dhaqaaqan milatari ee cusub ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu amray in cudud milatari oo dheeraad ah la geeyo gobolka, tallaabadaas oo lagu macneeyay mid cadaadis lagu saarayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Arrinta ayaa sii kululaatay kadib markii dowladda Iran ay qaadday tallaabooyin adag oo ay ku caburineyso dibad-baxyada gudaha dalkaas ka socda, taasoo keentay in Mareykanku uu ka digay cawaaqib xumo.

Xudunta xiisaddan ayaa ah markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln iyo koox maraakiib dagaal ah oo ku hubeysan gantaallada riddada dheer ee loo yaqaan Tomahawk.  

Ciidamadan oo hadda soo gaaray galbeedka Badweynta Hindiya ayaa la sheegay inay heegan buuxa ku jiraan, iyagoo awood u leh inay weerar ku qaadaan bar-tilmaameedyada Iran 24 saacadood gudahood haddii Aqalka Cad uu bixiyo amarka. 

Waxaa intaa dheer, diyaaradaha dagaalka ee casriga ah nooca F-15E Strike Eagle ayaa la geeyay saldhigyada gobolka si ay u xoojiyaan awoodda cirka ee Mareykanka.

Dowladda Iran ayaa iyaduna dhankeeda muujisay in aanay u dhego-nuglaan doonin cadaadiska Mareykanka.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Iran, Reza Talaei-Nik, ayaa shaaca ka qaaday in jawaabta dalkiisu ay noqon doonto mid “ka go’aansan, kana xanuun badan sidii hore” haddii Mareykanka ama xulafadiisu ay soo weeraraan.

Mas’uuliyiinta Tehran ayaa sidoo kale adeegsanaya dagaal dhanka maskaxda ah, iyagoo fagaarayaasha magaalada ku dhejiyay boorar waaweyn oo muujinaya maraakiibta Mareykanka oo gubanaya, waxaana ku qornaa hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin: “Ninkii dabaysha beerta, duufaan ayuu goostaa.” 

Mowqifka Khaliijka iyo xulafada Iran 

Inkastoo xiisaddu ay kacsan tahay, qorshaha Mareykanka ayaa wajahaya caqabad dhanka diblomaasiyadda ah.

Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo martigeliya saldhigyo waaweyn oo Mareykan ah, ayaa ku dhawaaqay inaanay ogolaan doonin in dhulkooda loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Iran ay si hoose ugu digtay dalalka deriska ah in saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dhulkooda ay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah haddii dagaal dhaco.

Dhanka kale, kooxaha xulafada la ah Iran ee gobolka, sida Xisbullah-da Lubnaan iyo maleeshiyaadka Ciraaq, ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal, iyagoo sheegay inay waajib tahay in laga hortago “cadowga.”

Khubarada amniga gobolka ayaa aaminsan in ciidanka uu Mareykanku soo dhoobay gobolka ay tahay xeelad “cadaadis kama dambays ah” oo lagu doonayo in Iran lagu qasbo tanaasul.

Hase yeeshee, iyadoo labada dhinacba ay farta ku hayaan keebka qoriga, khaladaad yaryar oo ka dhaca goobahaas ayaa horseedi kara dagaal weyn oo gobolka oo dhan saameeya.

The post Ciidamada Mareykanka oo ku dhow IRAN iyo Imaaraadka oo soo saaray go’aan culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this