Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasadda laba-wajiilenimo ee dowladda UK ay ku wajahdo Soomaaliya oo la kashifay

Recommended Posts

Deeq A.   
British-Prime-Minister-Starmer-delivers-

London (Caasimada Online) — Dowladda UK ayaa wajahaysa cadaadis xooggan iyo su’aalo adag oo la xiriira istiraatiijiyaddeeda Geeska Afrika, xilli falanqeeyayaashu ay ku eedeeyeen London inay ciyaareyso siyaasad “laba-wajiilenimo” ah oo iska hor imaanaysa; iyadoo dhinac iska dhigeysa mid u taagan xuquuqda aadanaha, dhinaca kalena ilaashaneysa dano ganacsi oo muran dhaliyay.

Inkastoo UK ay fagaareyaasha ka sheegto inay mudnaan siineyso xasilloonida gobolka, haddana kormeerayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in lugta ganacsi ee ay London kula jirto dekedda Berbera ee Somaliland ay si cad u burineyso mowqifkeeda diblomaasiyadeed.

Dhinaca Suudaan, UK waxay si joogto ah u dalbataa xabad-joojin iyo in lala xisaabtamo dhinacyada is-haya, xilli uu sii holcayo dagaalka u dhexeeya milatariga iyo ciidamada RSF. Hase yeeshee, waxaa sii kordhaya dhaliisha ah in “ficilka UK uusan la jaan-qaadeyn hadalkeeda.”

Falanqeeyayaashu waxay leeyihiin London way ka gaabisay inay qaaddo tallaabooyin caalami ah oo adag, iyadoo u muuqata mid ka taxadaraysa xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyo inay taageerto RSF — eedeymahaas oo Abu Dhabi ay beenisay.

Xudunta doodda ayaa salka ku haysa marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas. UK waxay si rasmi ah u taageertaa midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, balse ficil ahaan, hay’addeeda maalgashiga ee British International Investment (BII) ayaa saami culus ku leh dekedda Berbera.

Maalgashigan oo ay iska kaashanayaan shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai iyo maamulka Somaliland, ayaa dadka dhaliila siyaasadda UK waxay ku tilmaameen mid wiiqaysa mowqifka London ee Soomaaliya midaysan. Dekedda Berbera ayaa leh miisaan siyaasadeed oo dhaafsiisan ganacsi kaliya, maadaama ay ku taallo marin xasaasi ah.

Kormeerayaasha gobolka ayaa aaminsan in mashruuca Berbera uu xoojinayo awoodda dalal shisheeye oo danahoodu ay qeyb ka yihiin hurinta colaadaha gobolka, sida tan Suudaan, taasoo ka dhigeysa sheegashada UK ee “nabad-raadinta” mid aan cago badan ku taagneyn.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay xad-gudub qaawan. Go’aankaas wuxuu dab yar ku shiday xasaasiyadda gobolka ee la xiriirta xuduudaha iyo gacan ku haynta marinnada badda.

Dadka u dhuun-daloola arrimahan ayaa ku qeexay hab-dhaqanka UK “Mugdi Siyaasadeed oo ula-kac ah”.

Waxay leeyihiin London waxay dooneysaa inay hal mar wada cunto “labada canjeero;” inay ilaashato saamaynta ganacsi ee ay ku leedahay Khaliijka iyo Geeska Afrika, isla markaana ay ka fogaato go’aanno adag oo xumeyn kara xiriirkaas, xilli gobolku uu noqday saaxad ay isku bedeleen amniga iyo dhaqaalaha colaadaha.

The post Siyaasadda laba-wajiilenimo ee dowladda UK ay ku wajahdo Soomaaliya oo la kashifay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this