Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland: Gaadiid laga gubay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
1000124945.jpg

Ciidamada Jubaland iyo kumaandooska Danab ayaa weli howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa la sheegay in lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo sidoo kale la xusay in lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa.

Sidoo kale ciidamada Jubaland iyo Danab waxay soo bandhigeen gaadiid dagaal oo laga gubay kooxda Al-shabaab, kaddib markii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya.

1000124920.jpg 1000124962.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this