Deeq A. Posted Saturday at 09:09 AM Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku abqalay gogoshii wadahadalka ee ay dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyeen in uu qaado tallaabooyin u gogol xaaraya in shirku ku dhacdo jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada hadaladuna ay noqdaan kuwo miradhal ah. Waxay ugu baaqeen madaxweynaha in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka badelka dastuurka kumeel gaarka ah iyo in ajendayaasha shirka ay noqdaan kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda hadda ka jirta dalka, gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixsada Al-shabaab & Daacish. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay dhankooda diyaargarowga shirka u xilsaareen guddigooda farsamada ee uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab). Screenshot Screenshot PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites