Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo war soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   
1000124943-1440x960.jpg

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku abqalay gogoshii wadahadalka ee ay dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyeen in uu qaado tallaabooyin u gogol xaaraya in shirku ku dhacdo jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada hadaladuna ay noqdaan kuwo miradhal ah.

Waxay ugu baaqeen madaxweynaha in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka badelka dastuurka kumeel gaarka ah iyo in ajendayaasha shirka ay noqdaan kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda hadda ka jirta dalka, gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixsada Al-shabaab & Daacish.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay dhankooda diyaargarowga shirka u xilsaareen guddigooda farsamada ee uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab).

1000124935-1054x1440.jpgScreenshot 1000124936-1053x1440.jpgScreenshot

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this