Deeq A. Posted yesterday at 08:01 AM Dowladda Puntland ee hoggaamiye madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheynaysa in ay ciidamo gayso gobolka Sool, gaar ahaan deegaano ka tirsan degmada Xuddun. Ciidamo dhawaan laga soo dejiyay buuraha Calmiskaad, hadana ku sugan xerada ciidamada 54-aad ee Garowe ayaa xog ay heshay Puntland Post sheegaysaa in ay dhawaan u jihaysan doonaan gobolka Sool. Degmada Xuddun waxaa ku yaalla ceelka Holhol oo markii hore loo aqoon jiray ceelka Nugaal, kaas oo ka mid ah goobihii ugu horreeyay ee sahminta shidaalka laga sameeyo muddo hadda laga joogo 46 sano, baaristaas oo ay sameeyeen shirkado Maraykanka laga leeyahay. Wasiirkii hore ee batroolka iyo macdanta ee dowladd federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sanadkii 2024 sheegay in ceelka Holhol ay heshiis kula galeen shirkad laga leeyahay dalka Qadar. Puntland waxay dhawaan ciidamo gaysay degmo xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag, haalkaas oo wararku sheegayaan in dowladda federaalka doonayso in ay saldhig ciidan ka siiso dowladda Turkiga. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites